Tirada Suxufiyiin Uu Wasiirka Warfaafintu Ku Sameeyay Shaqo Iyo Mushahar Joojin

Hargeysa (Dhamays) – 24-ka ka mida Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Warbaahinta eeddo uga jeeddiyay Wasiirka Wasaaraddaas, ayaa Shaqo hakin iyo Saddex bilood oo Mushahar la’aan ah lagu ganaaxay.

Shaqaalahan ka tirsan Wasaaradda Warfaafintu waxa ay Cabasho ka muujiyeen Isku shaandhayn uu Wasiirka Warfaafintu ku sameeyay Waaxyaha Wasaaraddaas.

Wareegto Anshax-marin ah oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) waxa lagu sheegay in Suxufiyiintani ku kaceen Falal lid ku ah Waajibaadka shaqo, isla-markaanna ay ku talaabsadeen Ammar diiddo ka hor imanaysa Xeerarka iyo Waajibaadka Shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta.

Halkan Hoose Ka Akhriso Qoraallada Shaqo joojinta iyo Magacyada Suxufiyiinta

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: