Tirada Kiisaska Kufsiga Ah Ee Sannadkan Ka Dhacay Somaliland Oo La Shaaciyey

Hargeysa (Dhamays) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Shaacisay Tirada Kufsiyada Sannadkan dhammaanaya ka dhacay Dalka.

Xukuumadda, ayaa sheegtay in aan sii eegan karin Tacadiyada Dumarka ka dhanka ah ee ka dhaca Dalka, maaddaama sheegtay Sannadkan oo keliya ay Dalka ka dhaceen 207 Kufsi, kuwaasi oo badankoodu ka dhacay Caasimadda Hargeysa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Wasaaraddiisa oo lagu shaacinayey Ololeha ka hor-tagga Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka, kaasi oo soconayo Muddo 16 Maalmood ah.

“Waxaanu halkan ka iclaaminaynaa 16 maalmood oo wacyigelin ah oo la isku baraarujinayo xakamaynta tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka. Waxaan leeyahay hoyga fiican bay ka soo baxaan midhaha wanaagsani,”ayuu yidhi Wasiirka Shaqadu, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas ku daray “Haddii aan soo qaadno Kufsiga ka dhacay waddanka, marka aanu isku geyno waa 207 kiis oo inta ugu badani ka dhacday magaalada Hargeysa. inamadan yar-yar ee waddanka lagu sii daayay ee aan waalid dabo-galaynin ayaa sabab u ah arrintan. Ma eegayno in maalin walba hablaha la kufsado oo habluhu ay guryahooda ka soo bixi kari waayaan.”

wasiir-cumar

Wasiir Cumar Sheekh Maxamed Faarax, waxa uu u soo jeediyay Baarlamaanku inay ansixiyaan xeerka muhiimka ah ee la xidhiidha xuquul-insaanka iyo arrimaha Bulshadda, “Sharciyo badan baa horyaalla Baarlamaanka, xeerka kufsiga oo kaliya maaha ee shuruuc badan ayaa horyaalla oo dalka lagu dhaqi lahaa ama hagi lahaa. Baarlamaanku waa golihii dejin lahaa xeerarka ee dabo-geli lahaa in xeerarka la fuliyay iyo in laga baydhay.Xeerka kufsiga, xeerka gudniinka iyo xeerka siyaasadda carruurta inay Baarlamaanku haystaan maaha,”ayuu yidhi Wasiirka shaqaddu.

Guddoomiyaha Komishanka xuquuqal-insaanka, Fadxiya Xuseen Jaahuur, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in bulshada lagu wacyigeliyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo guud ahaan xuquuqul-insaankaba. Waxa kale oo ay tilmaantay inay wasaaradda shaqada kala shaqeeyaan sidii Golaha Wakiiladdu u ansixin lahaayeen xeerarka la xidhiidha xuquuqul-insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, Nuur Cismaan Guulleed oo ka hadlay madashaas ayaa sheegay in gudniinka fircooniga ahi yahay caado gabowday oo aan diinta islaamka ku abtirsan, waxase uu ku baaqay in dedaal weyn la geliyo sidii loo tirtiri lahaa gudniinka fircooniga ah oo uu ku tilmaamay mid halistiisa leh.

Waxa kaloo xafladaas ka qaybgalay Wasiirul-dawlaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdi Daahir Cammuud (Cabdi-dheere), Guddoomiyaha dallada Naafadda Somaliland, Nuura Maxamuud Nuur, Ururrada bulshadda, Hay’adaha caalamiga ah ee hawl-wadaagta la ah wasaaradda shaqada iyo martisharaf kale.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: