Tirada Ganacsato Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

S/Afrika (Dhamays) – Laba dhalinyaro Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay xaafaddaha isku raranka ah ee galbeedka magaalada Cape Town dalka Koonfur Afrika sida laga soo xigtay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika.

Dhalinyarada la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Cabdi Macow iyo Cali Maxamuud Cadow oo habeen hore la dilay, sidoo kalana waxaa lagu dhaawacay saddex dhalinyaro Soomaali ah gudaha magaalada Cape Town , kuwaasi oo dhaawaca kaddib laga qaatay hantidii tukaanka u taalay.

Dilalkan ayaa lagu warramayaa in ay geysanayaan budhcad ka mid ah Dadka Madow ee Koonfur Afrika, kuwaasi oo la sheegay in ay u socdaan koox koox, qaarkood-na isku soo ekeysiiya dad macaamiil ah oo doonaya in ay tukaamada wax ka iibsadaan.

Ma jirto wax tallaabo ah oo ay dowladda Koonfur Afrika ka qaaday kooxahan dilalka iyo dhaca u  geysanaya ganacsatada Soomaalida ah, inkasta oo marar badan oo hore saraakiisha Amnigu sheegeen in ay wax ka qabanayaan.

Sanadihii u dambeeyay waxa Magaalooyinka Dalka Koonfur Afrika lagu dilay Tobannaan Ganacsato Soomaali ah, kuwaasi oo Tukaanno ku haystay halkaasi.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: