Tirada Dadka Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Hindiya

India (Dhamays) –  Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhimatay, dad kale oo aad u badanna way ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay gobolka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya, sida saraakiisha dowladda ay sheegeen.

Qeybihii tareenka iyo matoorka ayaa kala googo'ay  xilli uu marayay meel lagu magacaabo Kuneru, waxaa sidaas sheegay madaxa khadadka tareenada ee dhanka bariga JP Mishra.
dad badan ayaa weli ku hoos jira burburka tareenka, shaqaalaha samata bixinta ayaa sheegay in tirada dhimashada ay kordhi karto.

Weli ma cadda sababta keentay in tareenka ka uu ka leexdo wadadiisa, taas oo ahayd sababta shilka.

Mr Mishra wuxuu sheegay in dadka dhaawaca ah loo qaaday laba cisbitaal oo meesha ku dhow. 

Afhayeenka hay'adda qaran ee khadadka tareenada ee Hindiya Anil Saxena, wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka ay shaqeynayaan habeennimada oo dhan.

Shilalka tareenada waxay dalka Hindiya ka nodeen wax iska caadi ah, maaddaama khadadka tareenada ay duugoobeen.

Bishii November ee sanadkii tagay, in ka badan 140 qof ayaa ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay gobolka Uttar Pradesh.

Bishii March ee 2015kii, shil kale oo ka dhacay Uttar Pradesh waxaa ku dhimatay 39 qof, 150 kalena way ku dhaawacmeen.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: