Tirada Arday Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Maanta Dhacay

Boosaaso (Dhamays) – Afar Arday ayaa ku geeriyooday 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha deegaankaasi.

 

Ardaydan ayaa ku sii jeeday deegaanka Laag 00 30km u jirta Boosaaso, ka dib markii gaadhigii ay wateen uu waddada ka baxay.

Wararka ayaa sheegaya Ardayda inay dhiganayeen fasalka Afraad ee dugsiga sare, ayna ku guda jireen maalmo fasax ah isla-markaana doonayeen inay muddo ku sugnaadaan degaanka Laag, inta aan la gaadhin Xafladda Qalin-jebintooda.

Warka ayaa intaa ku daraya in Afarta Geeriyooday ka sakow, 11 kalena ku dhaawacmeen Shilkaasi naxdinta leh.

 

Shilalka Dadku ku dhintaan ayaa ku badan degaannada Soomaalida, sida Somaliland, Puntland iyo meelo kale, waxaana si joogta ah uga dhaca Shilal dad ku dhintaan.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: