Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20-Agust-2016kii Illaa 15-kii Nov- 2016-kii). Qaybta 5aad

Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa dadkii hormoodka u ahaa baaqyada lagu dalbayo in aan xorriyadda helo ayaa 31kii Ogos 2016ka yidhi “Waxa aan maanta si xooggan u cambaaraynayyaa oo aan ka hadlayaa xadhigga Siciid Maxamuud Gahayr oo ku jira Xarunta C. I. Dda ee Hargeysa muddo ku dhow tobaneeyo cisho. Wuxuu tobankaas cisho u xidhan yahay oo loo diiday in ay cidi booqato, oo loo diiday in ay cidi aragto oo uu xuquuqdiisa iyo xurmadiisa qofnimo ku waayay awood uu u adeegsanayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Sabab uu ku haysto, dembi uu faraha kula jiro iyo maxkamad la horgeeyay midna weli lama caddeynnin. Muwaaddinkaasi waxa uu leeyahay xanuunka macaanka, xaaladdiisuna way barakaysan tahay sida uu Waddani ahaan warku nagu soo gaadhayo. Bani-aadankana in xuquuqda iyo xorriyadad uu Ilaahay siiyayna in si dhayal ah looga qaado ma aha. Muwaaddinkaas dhibaataysan ee aad bartaas ku haysaan, waxa aanu kaa codsanaynnaa annaga oo qaddarin iyo qiimayn kuugu haynna masuuliyadda aad qaranka u hayso inaad xorriyaddiisa dib ugu soo celiso”

 

7dii Sebtember 2016ka maalin Arbaca ah, ayaa haddana maxkamadda la ii qaaday, waxaanu sii marnay Mawliid Cabdi Muuse Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Gobolka Maroodijeex oo aanu siddeed gu’ ku wada jirnay geeddiga aqoonta. Waxa uu ballan-qaaday in ay dardar gelin doonaan dhegaysiga dacwadda. Sidoo kale waxa aan bahda garsoorka uga warramay xanuunnada ila dersay, aniga oo tusay warqaddii qan-xanuunka ee 25kii Ogos la ii qoray.

 

Waxa ay u muuqdeen kuwo aan dammaanad u babac-dhigi karin, laakiin waxa ay wacad ku mareen in aan caddaalad ka heli doono Golaha Garsoorka. Subaxnimadaas waxa aan wakaalad u saxeexay Garyaqaan Xuseen Shabeel oo si xalkasnimo ah u gartay in uu i difaaco. Dhawr cisho kaddib waxa aan wakaalad qareennimo qalinka ugu duugay afar qareen oo isu kaashaday samata-bixintayda, garab-siintayda iyo tirtiridda eedaha qalqallooca ee la ii soo guraanguray.

 

Waxa kale oo aan dad kala duwan ka maqlay in xalay (habeenkii Arbacadu soo gelaysay) uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku baaqay in xorriyaddayda la ii soo celiyo, maadaama oo aan u xidhanahay aragti siyaasadeed oo aan cabbiray. Walaalkay Jamaal waxa kale oo uu xusay in aan la noolahay jirrada macaanka, taasna ay tahay wax arrinkayga hoos loogu eego.

 

Xusuustu ma illawdo sidii xilkasnimada lahayd ee uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen heeganka ugu ahaa baaqyada lagu dalbayo xuquuqdayda, isku-daygiisii dammaanada iyo ka-qayb-galkiisii fadhiyada maxkamadda. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isaga oo ka hadlaya xadhiggayga 07dii Sebetember 2016ka uu yidhi “Nin suxufi ah oo qoraa ah oo macallin ah magaciisana la yidhaahdo Siciid Maxamuud Gahayr ayaa muddo dhawr iyo toban ah ku xidhan magaalada Hargeysa. Waxa uu u xidhan yahay maqaal uu qoray oo uu aragtidiisa ku cabbiray. Haddii la isku qoonsanayo qoraallada dhaliisaha ah, malaha dad badan ayaa jeelasha ka buuxsami lahaa. Laakiin isaga si gaar ah ayaa loo beegsaday. Waa nin xanuunsanaya oo macaan leh, dhibaato badanina meesha way ku haysataa. Ilaahyna waxa uu yidhi in dulmiga la eegto maaha, waxaan ku baaqayaa in si dhakhso ah xorriyaddiisa loogu celiyo”

 

Halkii ay ahayd in si togan looga jawaabo, waxa habeenkii ku xigay ama 08dii Sebetember 2016ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagoo ka baanaya xaflad loo qabtay heshiiska Dekedda Berbera yidhi “Kuwo qori sita ayaanu dalka ka xoreynnay, kuwa qalinka sitana waanu ka xoreyn doonnaa. Ma yeelaynno qalin-duurre budhcad ah oo dadka baadhaa uu waxa uu doono qoro”

 

Yaab! Waxa aan u fahmay in uu ka hadlayo aniga iyo Jaamac Axmed Oogle oo ahaa wiil maqaallo ka qoray Wasiirka Madaxtooyada oo nagula xidhnaa Xarunta Argaggixisada ee ciidanka dembi-baadhista. Markii aan warkaas maqlay waa aan ka qarracmay, ma digasho, wanjal, gooddi iyo duudsi ayuu isugu kaaya daray?

 

Inkasta oo aan xidhnaa, waxa aan isla habeenkii ku xigay oo ahaa 09kii Sebetember 2016ka curiyay gabaygan jawaabta u ah Wasiirka Madaxtooyada ee magaciisa la yidhaahdo Murdiso. Gabaygu sooyaalkii Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waabayda uu cabbayo ayuu muujinayaa. Waxa uu carraraabayaa adeegayaasha ay saami-wadaagga ku yihiin dhiig-miiradka iyo dhaca maatida. Waa gantaal uu ka gigilan doono iyo boog ku taalla. Maansadu waxa ay sheegaysaa in aanay adduunyadu maalin qudha ahayn, waxa ay ku nuuxnuuxsanaysaa in aan maankayga la doorin karin mar kasta iyo meel kasta.

 

Waxa uu yidhi gabaygu:

 

Dhaaxaan maldahay oon tix gabay, muunadayn jiraye

 

Haddii uu sidaad moodayseen, maanta noqon waayo

 

Ma-xishoodayaal dhawr ah baan, maag is-leeyahaye

 

Maansada dar ii gooddiyaa, loo murxinayaaye

 

Murjinkaygu wiilkaan ku gano, maydhaduu jariye

 

Meeqaamka aan kala geynaan, muuji leeyahaye

 

Maqla caawa duul buu ku yahay, moorin oo kale’e

 

Mansabyada aqoon iyo kartaa, lagu mutaystaaye

 

Adigoon masuul noqon karayn, maandhe abidkaaba

 

Maangaab xigaalkaa ah baa, maamul kaa dhigaye

 

Inkastood mudnaan sheegatood, madaxa taagayso

 

Midhkii Ooto Biixaan haddeer, marag u haystaaye

 

Maalmihii darnaayee SNM, mooshin lagu oogye

 

Adigoon miciin fidin kolkay, murugtay hawsheennu

 

Midabeeyihii baad ahayd, maandhe soo qaxaye

 

Mishiigaanka kii qaatayee, faqash muhiibsiiyay

 

Ee maalka nacab siinayiyo, maalay baad tahaye

 

Markaleeto waagii xil qaran, maayar lagu saaray

 

Manaayii Burcee aad shiddaan, weli madoobaane

 

Maatada la laayiyo wixii, maxas agoomoobay

 

Iyo miinadaad aastay waa, meeris kuu qorane

 

Malkadaa sanaag beelihii, Mawle ku abuuray

 

Maxamuud waxaad tahay kuwii, maaruqee dilaye

 

Haddii aan adduunyada maxkamad, maandhe lagu keenin

 

Manaxow godkii aakhiruu, malaggu joogaaye

 

Muldhiyiyo cadaabkii Allena, Meesha wuu yahaye

 

Magacaabistii kolkuu, minister kuu saantay

 

Ee uu madaarrada arliga, midigta kuu saaray

 

Mashruucii Kuweyd waan ogaa, taad makalayseene

 

Malaayiin kun oo doollar baad, maalin shubateene

 

Magaalada Hargeysiyo illaa, moolka Yurub tookha

 

Minankaad ka soo iibsateen, waa mas kuu dhigane

 

Madawgiyo caddaankiyo bulshada, Maalig naga uumay

 

Musuqmaasuqaagay dhammaan, madaxa haystaane

 

Mataggiyo kolkaad Xaashiyow, mililka saydhaysay

 

Ee aad maagtay qoyskuu ahaa, meeris kugu sheegye

 

Madaxweynaheennii Cigaal, weedh mug-luu yidhiye

 

Magacuu baxshaan kaa hadhayn, meel kastoy tahaye

 

Madax-dhaqan Cismaan baan kal hore, muuqa daawadaye

 

Macsi iyo xumaatay beryahan, muruq u yeesheene

 

Naanays ma-guuraan ah baa, igu maqaalaaye

 

Sida Muhannadkii filimka dhigay, looma meel dayo’e

 

Ceebtaada waxa maydhayaan, maanku garannayne

 

Murtiyahan umuu jilib-dhigeen, ruux magaan ahiye

 

Muusiyo haddaad Dhidar ku tidhi, “moodka ila booba”

 

Macna-yare wallee Cumar-ubbaan, meeris kaa celinne

 

Malluugta iyo saadaal haddaan, minanka faalleeyo

 

Oo aan manaasiisha dayo, maayadaa kiciye

 

Muddo kooban weeyaan intaad, madasha joogtaane

 

Is-macaashintaadaan dhawaan, meelmar noqonayne

 

Maaryahay anaan dahab kolnaba, kula maseeyeenee

 

Wax is-muujintaa xigi inuu, madaw ku fuulaaye!

 

Mijir iyo awood ciidan baad, magansanaysaaye

 

Maxbuusnimadu way ku dambayn, maansha aayaha’e

 

Madfac iyo rasaas iyo haddaad, miino igu xeerto

 

Maqaar-saar in aan kuu noqdaa, waa mid aan dhicine

 

Midh ha iila hadhin taad waddaan, maangal kuu noqonne

 

Isagoo macsuumoon kolnaba, xumo maleegaynnin

 

Nebi Maxamed qaar baa lahaa, “waa magnuun falane”

 

Masabiddida Caashaa la yidhi, “waad mar furateene”

 

Mandeelliyo Hadraawina horay, niman u maageene

 

Malmalluuqu raadkuu ka tago, waan masaxayaaye

 

Macmal iyo haddii eedo jaan, la igu soo miiso

 

Meeqaamku inu ii kordhiyo, magacu mooyaane

 

Milgahaygu lumi maayo oo, wuu mug weyn yahaye

 

Inta aan martabad gaadhayeen, Maatir noqonaayo

 

Ee maanku gabay iyo tix iyo, maanso tirinaayo

 

Ama aan maqaal qoriba karo, maaggu waa farale

 

Is-muquunin baa noo axdiya, mawdka oon dhicinne

 

Maqaarkiyo intay dhaaftay idil, marinaddii dhiigga

 

Micidiinnu dhuuxiyo laftii, way mudmudaysaaye

 

Madharaari bahalkii raqaa, wuu mafsuud noqone

 

Sida aar mudkii ruugayay, miilikhsanayaane

 

Magacoo la dhawrtaa ka weyn, maal la weecsado’e

 

Maahmaah xun baad kaga tagteen, meesigii qarane

 

Mugdiyahaw dalkaad boog ku tahay, waanad madhiseene

 

Midho iyo hadday noo baxeen, muuska iyo liintu

 

Murdisoy intaad xaabiseed, muudsataa badane

 

Maandariinta waagii la helay, malabka doocaanka

 

Macaan-jecel ku soo xoontaybaa, miirtay waayadane

 

Mahiigaan haddii uu arliga, maansha nagu hooro

 

Macquul maaha koox qudhi inay, maaxda dhurataaye

 

Maandeeq haddii ay dhashiyo, madiga geeleennu

 

Makas iyo sabool loo lisaa, ugu mudnaan laaye

 

Wallee maansamaa nacay inaad, maasho keligaaye

 

Mushahaar tolnimo loo baxshaa, waa madhnaan kale’e

 

Haddii aad malaaq soo dirtiyo, miidha igu xeeran

 

Maskaxdayda wixii aan gelayn, lama marsiiyeene

 

Haddii aad qoraayada mintiday, maro dul saarayso

 

Qalin-maalka lama ceejiyoo, miid horluu qubiye

 

Muusannawgu wuxuu hurinayaa, duul ma-waabte ahe

 

Makhnuudyahaw waxaa kugu fatihi, mawjad xoog badane

 

Cidda daadka kaa moosaysana, “mooyi” baan idhiye

 

Sida macangag oo kale haddaad, madaxa taagayso

 

Murta iyo qadhaadhkiyo sharkaad, mahadin doontaaye

 

Intaad muusannawdoo qudhaan, maluhu koobayne

 

Manaayuhu hadduu kugu dhib yahay, way macaan yahaye

 

Mashaqadu kolkii ay dhacdaan, farax-mushaaxaaye

 

Marsadii shirkeediyo kobtuu, madarku gawdiiday

 

Mallaalow dhawaaqaad ka tidhi, maangad lagu sheegye

 

Haddaan miimka soo xidho anoo, mahadhadii qeexay

 

Maankayga anigoon beddelin, maandhe waan bixiye

 

Macsalaama waa seben guntii, maamul loo xulaye

 

Qalinkii, Abwaan Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: