Tantanka Kubbadda Cagta Adduunka ee Dalalka aan la Aqoonsan oo la Go’aamiyey in Lagu Qabto Waddanka Somaliland

Hargeysa (Dhamays News) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdikariin Xuseen Siciid, ayaa caddeeyey in koobka kubbadda cagta Adduunka ee dalalka aan la aqoonsan lagu qaban doono waddanka Somaliland sannadka 2020-ka, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Tartanka Kubbadda Cagta Adduunka ee dalalka aan la aqoonsan oo la qabto afartii sanno hal mar, waxa qabanqaabiya Ururka Kubbadda Cagta Dalalka aan la ictiraafsanayn, isla markaana aan xubnaha ka ahayn Xidhiidhka Kubbadda Cagta FIFA ee dalalka la aqoonsan yahay, ururkaas oo magaciisu yahay CONIFA (Confederation of Independent Football Associations), iyadoo ay Somaliland hore uga qaybgashay tartankan sannadkii 2016.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo waraysi siiyey telefiishanka madaxbannaan ee SAAB TV shalay, waxa uu sheegay in codayn la sameeyey ay Somaliland ku guulaysatay in tartankaas lagu qabto sannadka 2020-ka.

Muddooyinkii u dambeeyeyba waxa aannu ka shaqaynaynay in dalkeena mar la keeno (lagu qabto) tartankaasi dalalka aan la aqoonsan oo ay Somaliland qayb ka tahay, horena ay tartankaas uga qaybgashay Somaliland, aad ayaanan hawshaas olole ugu galnay, iyadoo dad badan oo reer Somaliland ah oo jooga dalalka qaaradda Yurub ayaana hawshaas nagala shaqeeyey oo ay ugu horeeyaan ururro dhallinyaro ah ayaana ka shaqeeyey in tartankaasi uu ka qabsoomo Somaliland, nasiib wanaag waxa markaa loo qaaday cod in dalka Somaliland lagu qabto tartanka dalalka aan la aqoonsan ee sannadka 2020-ka,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxaannu sheegay in codadka ugu badan lagu taageeray in tartankaas lagu qabto Somaliland, isagoo caddeeyey inay Wasaarad ahaan si xooggan u soo dhawaynayaan, isla markaana ugu faraxsan yihiin in Somaliland marti-geliso tartanka dalalka aan ictiraafka haysan, waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqay dhallinyaro reer Somaliland oo ku nool dalka Ingiriiska oo uu xusay inay si xooggan uga shaqeeyeen hirgelinta arrintan.

Horta waxa dalka Somaliland iman doona kooxo khubaro ah oo qiimeeya garoomadeena (garoomada kubbadda cagta), sida aannu warka ku haynana waxa loo baahan yahay ugu yaraan saddex garoon oo heerkoodu sareeyo, markaa garoomadan aannu hadda gacanta ku hayno ayaa ka mid ah kuwa aannu doonayno in lagu ciyaaro, kuwaasoo aannu doonayno in si heer caalami ah loo sameeyo,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu.kubbadda cagta 1

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay inay dowlad ahaan iyo Wasaarad ahaanba si fiican ugu diyaargaroobayaan sidii tartankaas loogu qaban lahaa dalka Somaliland, isla markaana loo diyaarin lahaa goobaha martigelin doona ciyaartoyga ka socda dalalka aan la aqoonsan.

Waxyaabaha kale ee soo jiidtay in tartankaas lagu qabto Somaliland waxa ka mid ah hudheelada heerkoodu sareeyo ee ku yaal Somaliland, iyadoo hudheelada dalku ay qayb ka qaadanayaan, markaa sida aad ogtihiin dalkeennu waxa uu leeyahay hudheelo heerkoodu aad u fiican yahay, waanan u haynaa hudheelo ay degaan, dhinaca garoomadana, maanta waxa maansha Allaah ah in roog noo wada yaalo oo roogagii caalamka lagu ciyaarayey ayaa inoo yaal garoomadeena, amnigeenuna wuu fiican yahay, markaa wax naga dhiman ma jiro, waxaanan imminka sugaynaa oo qudha qoladaas khubarada ah ee imanaysa ee garoomada naga eegaysa ama talo naga siinaysa ama qaabka caalamiga ah ee looga baahan yahay tartankaas oo aynu u baahannahay in wixii talo ah la innaga siiyo oo ah wixii garoomada looga baahan yahay ama lagu kordhinayo oo aannu khubaradaas ka sugayno,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxa kaloo uu sheegay in orodyahanno reer Somaliland ay dalka Jabuuti kaga qaybgelayaan tartan orod ah oo heer caalami ah, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo aynu ka qaybgeli doonaa tartan caalami ah oo dhinaca orodka ah, gaar ahaan orodka 1500mitir iyo 800 mitir ah, kaasoo ay ka qaybgaadanayaan dalalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika, anaga Somaliland ahaana waa la nagu casuumay, markaa waxa aynu u diraynaa laba orodyahan oo uu mid ka qaybqaadanayo orodka 800mitr ah, midna uu ka qaybgelayo orodka 1500 mitir ah, markaa waxa aan Insha Allaah rajaynayaa in aannu tartankaasna ku soo guulaysanno, labadaasna orodyahanna waannu diyaarinay.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: