Taliyaha Guutada 99`aad Waxuu U Qalmaa Bilad Sharaf Iyo Dalacsiin.

Taliyaha Guutada 99`aad Waxuu U Qalmaa Bilad Sharaf Iyo Dalacsiin.

Sida aynu la wada socono taliska ciidanka qaranka jamuuriyadda somaliland waxa uu ku talaabsaday horumarka dhanka ciidan oo tayadiisu sarayso hadii ay tahay tobobarada ciidanka qaybihiisa kala duwan oo mudooyinkii ugu dambeeyay ciidanku gaadhay isku filaansho tobobareed oo xirfadiisu sarayso.
ciidanka qaranka oo u taagan sidii uu xasilooni iyo amni buuxa u wada gaadhsiin lahaa dhulwaynaha jamuuriyada somaliland .
hadaba isaga taasi ka duulaya waxa qaaday talaabo lagu doonayo sidii gobolada bariga oo ay shaqaqooyin kala duwan ee ka dhacay mudooyinkii ugu dambeeyay lagu xalinayo lana dareensiinayo amniga iyo xasiloonidu qiimaha ay leedahay iyo faaidooyinka laga dhaxlo nabadgalyada.
Maxamed Daahir Jibriil (Sharbi ) Waxa uu ka mid yahay sarakiisha gacanta ku haya amniga gobolka sool waxa uu hogaamiye u yahay guutada 99aad ee ciidanka qaranka kuwaasi oo ka hawlgala deegaano hoosyimaada gobolka sool.
Ciidankiisa oo hore Gobolka togdheer xasilooni iyo amni taama oo lagu diirsaday ka sameeyay intii ciidamadiisu ku sugnayeen.
gaashaanle dhexe Sharbi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “siyaasadayada ayaa ka horaysa qoriga mar kasta waxanu isku daynaa in aanu dadka isku soo jiidnoo wa,ayo dadku waa dadkayagii oo maaha cadow”.
Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay isaga oo ka warbixinaya sharka amniga oo laga furay dagmada YAGOORI.

Taliye Sharbi waxa uu shahaadada Master ta ee culuunta khilaafadka ka qaatay kuliyada ciidamada dalka Itoobiya waxana uu ka mid yahay saraakisha aqoontooda iyo naftoodaba u hibeeyay ciidamada qaranka jamuuriyada somaliland isaga oo mar walbana u diyaarsan sidii uu shacabkiisa gacan u siin lahaa hadii ay dareemaan nabadgalyo daro iyo wax amnigooda dhaawacaya.

Waxa bilad sharaf gudoonsiiyay raysalwasaraha dalka iyo Dr.Abiy Ahmed Ali

Waxa isna dhinciisa shahaado sharaf gudoonsiiyay madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi

“Deegaanka adhi cadeeye waxa lagu xaliyay boqol iyo todoba kiis (107) oo aan hormuud ka ahaa sidii balahaaasi nabadgalyo ugu noolaan lahayeen” Taliye Sharbi.
Taliyaha oo la wadiiyay sideed iskugu miisaantaan mar ay dhibaato ku timaado beelaha walaalaha ah ee wada daga?
“waxanu u kuur galnaa dhibaatada dhacday iyo inta ay leegtahay intaa kadib waxanu baadhnaa cida gaysatay dhibaatada ugu dambayntana labada beelood ayaanu gacanta isku saarnaa”

La soco qaybta 2aad…………
Qalinkii Abdiqadir Habbane