Taliyaha Ciidamadda Booliska Oo Awaamiir Kala Duwan Faray Booliska Somaliland

Hargaysa (Dhamays)- Taliyaha ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa Awaamiir kala duwan faray qaybaha Ciidamadda Booliska Isla markaana ku booriyay in ay laban-laabaan shaqadoodii hore ee ay bulshada u hayeen.

Tallaabadaasi ayuu taliyuhu ku sababeeyay curashadda bisha Ramadaan oo boolisku sida caadiga ah hawl-galadda kordhiyaan iyo arrinta isku imaatinka bulshadda lagu yaraynayo ee xanuunka Corona awgeed.

Sareeye guuto Daba-gale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka booliska ee Hargaysa, ayaa sidoo kale hanbalyo u diray guud ahaanba ciidamadda booliska, saraakiisha, dableyda, askarta iyo xaasaskoodaba curashadda bisha Ramadaan awgeed. Faah-faahinta warkaasi, Halkan Hoose ka Daawo.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal