Taiwan Ku Dhawaaqday 2 Milyan oo Doolar oo Ay Kaga Qayb Qaadanayso Doorashooyinka Somaliland

Taipei (Dhamays)- Dowladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday lacag dhan Laba Milyan oo doolar oo ay kaga qayb qaadanayso doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanada ee Somaliland.

Dowladda Taiwan oo cilaaqaad saaxiibtinimo iyo mid iskaashi la leh Somaliland ayaa ugu talo gashay in lagu bixiyo lacagtaas dhinaca wacyigelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo Dowladaha Hoose ee muddaysan inay ka qabsoomaan Somaliland 31ka bisha May ee sannadkan.

Open chat
soo dhawoow walaal