Tahriibayaal Afrikaan Ah Oo Ku Dhintay Badda U Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Liibiya (Dhamays) –  Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in 270 muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaadhay goobta ay masiibaddu ka dhacday ee biyaha Liibiya.

Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaraddaasi goobta soo gaadhay.

Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ay badda ka soo badbaadiyaan saddex qof ,balse waxaa halkaasi ku dhintay dad badan oo doonta saarnaa.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa laba waxa ay u dhasheen dalka Sudan, halka midka kale uu u dhashay dalka Gambia.

Dadkan badbaaday ayaa waxay sheegeen in doonta ay saarnaayeen 120 Qof.

Afhayeen u hadashay hay’adda qaxootiga ee UNHCR Liz Throssel ayaa sheegtay in dadka muhaajiriinta ah ay u baahan yihiin caawin.

Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in loo baahan yahay in wax dadaal ah aan lala hadhin marka ay soo yeedho qaylo-dhaan lagu badbaadinayo dadka ku qaraqmaya badda.

Waxa ay sidoo kale Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ay ku baaqday in la caawiyo maraakiibta badbaadinta muhaajiriinta si ay shaqadooda u gutaan.

Flavio Di Giacomo waa afhayeen hay’adda socdaalka Qaramada midoobay ee IOM ayaa sheegay in loo baahan yahay in la furo marin ay soo maraan dadka doonaya in ay ka soo tallaaban badda Mediterranean-ka:

Balse, dowladda Taliyaaniga ayaa waxaa ka go’an in ay joojiso in muhaajiriinta ay soo gaadhaan xeebaheeda.

Waxa ay dowladda Taliyaaniga rumaysan tahay in maraakiibtaa samatabixinta ee hay’adaha ay gacan wayn siiyaan muhaajiriinta.

Xukuumadda Taliyaaniga ayaa ku dooday in arrintan ay dhiirigalinayso in dad badan ay naftooda galiyaan halis.

Sanaddii 2018, 2,262 qof ayaa ku dhimatay iyaga isku dayaya in ay ka soo tallaabaan badda Mediterranean si ay u gaadhaan dalalka Yurub.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: