TACSI +WARGALIN

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Sabeeyse) Suldaanka Guud Ee Beesha Cabdale Sacad, Waxa Uu Ku Wargalinayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Qaranka Somaliland, Inuu Geeriyooday Allah Ha Unaxariistee Marxuum Mujaahid Cabdilaali Maxamed Cawaale (C/laahi Iskooj) Oo Kaalin Laxaadle Ku Lahaa Halgankii Dib U Xoraynta Dalkan JSL,

Isla Markaana Lagu Aaasi Doono Barito 9:00 Subaxnimo Xabaalaha Bacaado Ee Waqooyiga Hargeysa, Sidoo kale Suldaanka Guud ee Beesha BCabdale Sacad Muuse, Waxa uu Tacsi U Dirayaa Eheladii Iyo Qaoyskii uu ka Geeriyooday Marxuumku.

Waxanu Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Sabeeyse) Marxuumka Ilahay Uga Baryayaa Inuu Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, Ehelkii,Qaraabadii, Gaar ahaan Qoyskiisii Iyo Qaranka Somaliland ee uu Ka Baxayna Samir Iyo Iimaan Saadiqa Kasiiyo,

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: