Tacsi Ku Socota Ehelada Marxuum Talyaanle Oo Geeriyooday

Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Broad-ka (BOD) Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Agaasimihii hore ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, Maxamed Siciid Gees, Agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Mr. Maxamed Faarax Xirsi, Cumar Aadan Yuusuf, Maxamed Cabdi Cumar, Sahra Maxamud Isxal iyo Caasha Maxamed, Maxamed Baarjeex, Nafiisa Yuusuf, Xasan Guur, Maxamed Baaruud, Amran Cali Xiis, Haruun Yuusuf Qulubne, Maxamed Cismaan (Mu’adinka) iyo dhammaan Guddiga Hagayaasha (Broad-ka – BoD), shaqaalaha iyo dhammaanba asxaabta  Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland waxay tiraanyo leh u dirayaa, Golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle) oo ku geeriyooday 27/09/2017 dalka Hindiya, waxayna marxuunak Illaahay uga baryeyaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin… Aamiin… Aamiin… Aamiin… Aamiin…

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: