Sucuudiga & Qadar Oo Hab Cusub Uga Hadlay Xad-gudubyada Isreal Ee Qasa

Riyaadh (Dhamays) – Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Qadar ayaa si kulul u cambaareeyeeyay  xadgudub ay sheegeen in Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Sacuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa sheegay inuu ku baaqayo in dowladda Israa’iil aay si deg-deg ah ku joojiso duqeymaha ay ku hayso dadka ku nool Marinka Qaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa Sacuudiga ay si weyn u soo dhaweyneyso dadaal kasta oo nabadeed oo la dhex dhigayo dowladaha Israa’iil iyo Falastiin.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Sabtidii la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, wuxuuna ku baaqay in Israel ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“Bulshada caalamka waa inay deg-deg ugu dhaqaaqdaa in la soo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yidhi bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA.

Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taageerada Qatar ee “Walaalaheeda Falastiin”.

Kulankooda ayaa yimid iyada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, iyaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel.

Rabshadaha ayaa markii koowaad ka dhashay isku dhac masjidka Al-Aqsa ku dhex-maray dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israel.

Xamas ayaa Israel u qabatay wakhti kama dambeys ah oo ay ciidamadeeda uga saarato Masjidka, waxayna markii ay sameyn weyday ay ku billaabeen weeraro gantaallo ah.

“Waan uga dignay in Masjidka Al-Aqsa inuu yahay khad cas, waxaanu u sheegnay Netanyahu: ‘ha ku ciyaarin dab’,” ayuu yidhi Haniyeh oo dibed-joog ku ah Doha, isaga oo la hadlay boqolaal dibad-baxayaal ah oo taageerayey Falastiin.

Qatar ayaa taageerta Xamas, iyada oo gargaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadiisa iyaga iyo Israel.

Cambaareynta Sacuudiga iyo Qadar, ayaa imaaneysa iyadoo inta la xaqiijiyay ilaa 122 ruux lagu dilay duqeymaha Qaza, iyadoo dhinaca Israa’iil ay ku dhinteen ilaa 10 ruux tan iyo markii uu si rasmi ah bilaabmay dagaalkooda Isniintii la soo dhaafay.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Open chat
soo dhawoow walaal