Soomaaliya: Wasiirka Tamarta Iyo Macdanta Ee Hir-shabeele Oo Maanta Soo Gebogabeeyay Tababbar Wasaaraddiisu Qabatay

Beledweyne (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Hir-shabeele Axmed Muuse Xuseen, ayaa Maanta soo xidhay Tababbar ku saabsanaa Fayo-dhowrka Biyaha, kaasi oo Xarunta Wasaaradda loogu qabtay 20 xubnood oo ka mid ah Hawl-wadeennada Wasaaradda.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Axmed Muuse Xuseen oo Gebogabadii Tababbarkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in tababbarkani aanu noqon doonin kii ugu dambeeyay ee ay sii socon doonaan Tababbarrada la xidhiidha Fayo-dhowrka Biyaha, waxaanu ka qayb-galayaasha u rajeeyay in sidii loogu talo-galay uga faa’idaysan doonaan Aqoontii la baray Muddada Tababbarku socday.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

 

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: