Soomaaliya: Wasiir Isku Casilay Xadhigga Mukhtaar Rooboow Awgeed, Eedeeyayna Farmaajo

Muqdisho (Dhamays) – Wasiirkii howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirkii Hawlaha Guud Ee Soomaaliya, Mr. Geeseey

Wuxuu sheegay in sababta uu isaga casilay xilkii ka hayay Xukuumadda tahay kaddib markii uu sida uu hadalka u dhigay uu u dulqaadan waayay fara-galinta ay Dawladda dhexe ee Soomaaliya ku hayso doorashada Maamulka Koonfur-galbeed iyo Cabudhin uu xusay in Dawladdu ku hayso Shacabka Koonfur-galbeed.

Wasiirka iscasilay oo faahfaahinaya sababta uu Xukuumadda Soomaaliya uga baxay wuxuu yidhi  “Sababta aan isku casilay waxaa ay tahay, ma jirin meel dowladda aan anigu ka tirsannahay ay ku go’aan qaadatay in la afduubo lana cabudhiyo doorashada Koonfur-Galbeed, ma jirin meel lagu go’aansaday in si qasab ah oo waliba afduub ah loo soo xidho muwaadin Mukhtaar Rooboow, loogana reebo doorashada, ma jirin meel lagu go’aasaday in aan lala tashan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaannadaas ka soo jeeda, iyadoo ay jirto in la hareer marayo dhammaan wixii shuruuc ah oo u yaalay dalka, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan markhaati ka sii ahaanin arrimahan oo dhan” ayuu yidhi, Wasiirka Iscasilay oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho.

MagaaladaBaydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxa Maalmihii u dambeeyay kasocday Mudaharaaddo Shacabku ku diiddan yahay Xadhig Dawladda dhexe ee Soomaaliya kula kacday Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ahaa Musharrax u taagan Madaxweynenimada Koonfur-galbeed, kaasi ooDawladdu ka reebtay Doorashadaasi.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: