Soomaaliya Oo Xidhiidhka U Jartay Dal Uu Booqasho Ku Joogo Madaxweynaha Somaliland

Muqdisho (Dhamays) – Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay dalka Ginei Conokory.

Tallaabadaasi oo loo arko mid ay Soomaaliya kaga masayrtay booqashada weftiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland uu ku joogo dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay in dawladda Ginei ay ku xad-gudubtay qaranimada, madax-banaanidda iyo wada jirka Soomaaliya “Waxaan ummada Soomaaliyeed la socod siinaynaa, in laga bilaabo saacadan aan hadda joogno, in dawladda federaalka Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dalka la yidhaahdo jamhuuriyadda Ginei, oo caasimadiisu ay tahay Conakory. Waa qodobka koowaad”ayuu yidhi wasiirka Khaarejiga Soomaaliya.

Wasiirka maamulka Xamar oo ka hadlayay sababta ay dawladda Ginei xidhiidhka ugu jareen, waxa uu yidhi “Qodobka labaad wuxuu ku saabsan yahay sababta aanu xidhiidhka ugu goynay dawladda Gini. Xidhiidhka waxaan ugu goynay dalka jamhuuriyadda Gini, waxay ku xad-gudbeen, meel ka dhac-na ku sameeyeen qaranimadda iyo  midnimadda Soomaaliyeed iyo wada jirka ummada Soomaaliyeed”.

Waxa kaloo uu sheegay wasiir Cawad, in ay jiraan dalal kale oo uu ku tilmaamay in ay meel ka dhac ku samaynayaan qaranimada Soomaaliyeed, inkastoo aanu si cad u sheegin kuwa ay yihiin dalalkaasi. “Waxa kale oo jirta in aanu ogaanay in waayadan danbe ay soo badanayeen dalalka xad-gudubyadaasi oo kale samaynaya, oo meel ka dhac iyo halis intaba gelinaya, midnimadda iyo qaranimadda ummada Soomaaliyeed”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad, waxaanu intaas ku daray “Sidaas daraadeed, waxaa la soo gaadhay wakhtigii aanu Adduunka u sheegi lahayn, xukuumadda Soomaaliyeed ee federaalka ah iyo dadka Soomaaliyeed, intuba in aanay u dul qaadanaynin in lagu sameeyo xad-gudub qaranimadooda, midnimadoodda, wada jirkooda iyo madax-banaanida dalkooda”.

Dawladda Soomaaliya ayaa xidhiidhka ay u jartay Dalka Gini uu ku soo beegmaya xilli uu halkaa safar shaqo ku joogo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: