Soomaaliya Oo Sharci Ay Kula Wareegto U Weyday, Maamulka Hawadda Somaliland

Hargeysa, December 29, 2017 (Dhamays/Hargeysatoday.com) Dawladda federaalka ah ee Somalia oo sannadihii ina dhaafay oo dhan ku hawlanayd sidii ay ula wareegi lahayd maamulka hawadda Somalia iyo Somaliland ayaa ku guul-daraysatay inay hesho sharci iyo qaynuun caalami ah oo u ogolaada inay la wareegto hawada Somaliland iska daay’e xataa hawadda Somalia.

 

Sida ku cad qoraal sharciyeed oo ka soo baxay qaramada Midoobay sannadkii 1968-kii volume 12, isla markaana uu qorey khabiirkii sharciga ee UN-ku u wakiishay dib u eegista sharciyadeed ee midnimadii Somalia iyo Somaliland, ma jirto wax dawlad ah oo la yidhaahdo Somalia, balse waxa jirta dawlada Somaliland oo ay la midoobeen dad ammaano ahaan UN-ku gacanta ugu hayay.

weligeed may Jirin dawlad madax banaan oo la yidhaahdo Somalia”

 

Contran, sarkaalkii shuruucda u qaabilsanaa Qaramada Midoobay 1968-kii

 

“weligeed may jirin dawlad madax banaan oo la yidhaahdo Somalia, sidaasi darteedna Maadaama oo aanay jirin dawlad madax banaan oo la yidhaahdo Somalia si waafaqsan qodobka 4-aad ee Qaramada Midoobay waa in Jamhuuriyadda Soomaaliyeed laga dhigo mid ka dhalatay dawladda Somaliland, taasi oo xaquuqdeeda iyo waajibaadkeeda lagu helay (sharciyadda) shantii maalmood ee ay Somaliland xorta ah intii ka horeysay midnimadda, taasi oo keenaysa xuquuqdeeda (dawladnimo) iyo waajibaadka ka dhalanaya heshiisyada caalamiga” sidaa waxa qoraalkiisa sharci ku yidhi, khabiirkii Qaramada Midoobay xagga shuruucda u qaabilsanaa Contran, sannadkii 1968. Waxaanu intaasi ku daray “Marka iyada oo la tixgelinayo taasi xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhashay ee waafaqsan qodobka 4-aad ee axdiga Qaramada Midoobay farqadiisa 2-aad waxa caqabad ku ah (Somalia) qodobka 67 ee axdiga Qaramada Midoobay, oo ma geli karto heshiis caalami ah”.

 

Hase yeeshee, khabiirkani waxa uu sheegay oo uu cadeeyey in cida geli karta heshiis caalami ah ay tahay Somaliland “sida laga arki karo heshiisyada caalamiga ah ee u dhaxeeya UK iyo Somaliland ee ku taariikhaysan 26 June 1960-kii iyo saddexda heshiis ee kale, Somalia ma dhaxli karto Somaliland”.

 

Intaasi oo keli ah maaha, balse ilaa 1993-kii Qaramada Midoobay waxay Somalia u taqaanay maamul ammaano ah, sida ku cad warqad ka soo baxday xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP/ICAO ninkii u qaabilsanaa isku xidhka mashruucaasi “Waxa xafiiskaygii loo soo raray garoon hoosaadka (airfield-garoon maamul hoosaad) halkana waxaan kala kulmay uun dab iyo naar, ay ka mid yihiin dhawaaqa Baasuukaha iyo toogashada shiishyahanka” sidaa waxa warbixin ku bixiyay xidhiidhiyahaha UNDP/ICAO Somalia Ernest Wickersham, warqad uu u qorey sarkaalkii UNDP amniga maamul hoosaadka u qaabilsanaa.

 

Marka la eego ereyada field Security officer iyo airfield labaduba waxay sheegayaan in ay Somalia tahay maamul hoosaad (trusteeship) hoos taga UN-ka.

 

Balse taasi bedelkeeda, sarkaalkani markuu ka hadlayay Somaliland waxa uu yidhi “Shalay waxaan safar hore iigu qorshaysnaa ku imid Hargeisa, waxaanan maanta la kulmay madaxweyne Cigaal.  Magangelyo (asylum) halkan waa ka suurto gal haddii loo baahdo. Waana sax, waxaanay tahay fursadda u wanaagsani sii wadida iyo dib-u dhiska adeegga duulimaadyada madaniga ah ee Somaliland” ayuu ku yidhi Mr. Wickersham ku yidhi qoraalkiisa uu ku doonayo inuu maamul hoosaadka duulimaadyada Somalia ee hoos-taga Qaramada Midoobay magangelyada ugaga doonayay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu qorey 31-kii August 1993-kii. Waxaanu ku soo xidhay “Fadlan, ii damaanad-qaad (Eric Asare Somalia field Security officer) in aan (Somaliland) igu fara-gelin maamul hoosaadka (UN-Ka) oo ay u tixgeliyaan (maamul hoosaad) magangelyo”.

Haddaba, marka ay u soo noqono wareejinta ay dawladda federaalka Somalia u xafladaysay shalay in hawadii Somalia iyo Somaliland lagu wareejiyey waxay qaawisay sharci la’aanta dawladnimadda Somalia, waxaanay cadaysay in Somalia shalay u xafladaysay inay noqoto maamul hoosaad hoos-tagga Qaramada Midoobay (UN Trusteeship, dhul Qaramada Midoobay ammaano ahaan u maamusho oo aan lahayn dawlad xor ah) iyo sharcinimada iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan Jecelahay inaan mahad gaar ah uga celiyo xogta iyo macluumaadka warkani Mustafe Axmed Jaamac iyo Siciid Ibraahim Jirde. sida ay inoola wadaagteen xogta iyo documents-ka halkani aynu ku isticmaalnay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: