Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Bixisay Ruqsadda Adeegga Lacagaha La Isugu Diro Ee Teleefoonada

Muqdisho (Dhamays)- Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ruqsadda adeegyada lacagaha la isugu diro guddoonsiiyay shirkadda isgaadhsiinta ee Horumuud ee fadhigeedu yahay magaalada Mudisho.

Waxaana tallaabadan lagu doonayo in sare loogu qaado nidaamka casriga ah ee lacagaha la isugu diro si loola jaanqaadsiiyo nidaamka caalamiga ah ee adeegyada lacagaha dunida.

Shirkadda Hormuud oo Soomaaliya ka howlgaleysay tan iyo sanadkii 2002, waxaa ku xidhan macaamiil gaadheysa 3.6 malyan halka ku dhawaad 3 malyan oo qof oo kamid ah dadkaas ay adeegsadaan adeega lacagaha la isugu diro ee EVC Plus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isgaadhsiinta Hormuud waxaa laga adeegsadaa inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, adeegan wuxuu dad badan ka caawin doonaa in si sahlan ay lacagaha isugu diraan iyagoo adeegsanaya teleefoonadooda.

Open chat
soo dhawoow walaal