Soomaaliya: Guddoomiye Baarlamaan Oo Aqbalay Mooshin Xilkiisa Lid Ku Ah

Muqidsho (Dhamays) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aqbaley mooshin la doonayo in Xilka lagaga qaado, kaasi oo uu hore u diiday.

Guddoomiye Jawaari ayaa dalbaday in Mooshinka la doonayo in Xilka lagaga qaado lagu meel-mariyo Muddo 10 Maalmood gudahood ah, isagoo xusay in uu meesha ka baxay khilaafkii ka dhashay mooshinka sida uu hadalka u dhigay mar haddii uu isagu aqbalay dhinaciisa.

Jawaari oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Mooshinka waan aqbalay sidaa daraadeed waxaa loona baahan yahay tallaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaas oo sheegaya in 10 maalmood gudahood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”

Guddoomiyuhu Waxaa uu meesha ka saaray isla-markaana uu beeniyay warar sheegay inuu Iscasilayo, ka hor codka loo qaadayo Xil ka qaadistiisa “Cod ayaan ku imid oo aan xilka Guddoonka Baarlamaanka ku hayaa, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa”ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Mooshinka la doonayo in xilka lagaga qaado aqbalay, ka dib markii sida uu sheegay ay Xarunta Baarlamaanka la wareegeen, isagoo Tallaabada ay Ciidammadu kula wareegeena ku eedeeyay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu sheegay inuu amarka bixiyey.

Mooshinkan oo khilaaf ka dhashay, ayaa waxa Guddoomiyaha laga soo gudbiyey maalmo uun ka dib, markii uu Shir-guddoomiyey Fadhi Mudaneyaasha Baarlamaanku ku ansixiyeen Go’aan Dalka Soomaaliya lagaga Mabnuucayo Shirkadda DP World oo Maalgelin ku samaynaysa Dekedda Berbera ee Somaliland, Maalgelintaasi oo 19% ka mid ah la siiyey Dawladda federaalka Itoobiya.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: