Soomaaliya: Al-shabaab Oo Dhulka Ay Maamusho Ka Mabnuucday Waxbarashada Aan Islaamiga Ahayn

Soomaaliya (Dhamays) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalama Dalka Soomaaliya, ayaa waalidiinta Soomaalida ee ku dhaqan deegaannada ay Maamulaan uga digay in ay carruurta ku daraan Dugsiyada iyo Jaamacadaha lagu barto Waxbarashada aan Islaamiga ahayn.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali-dheere) oo soo duubay Cajalad 26 daqiiqo soconaysa, ayaa sheegay in carruurtu ay tagi karaan Iskuulada Islaamiga lagu barto oo kali ah, maaddaama oo kuwa kale ayna wanaagsanayn oo sida uu hadalka u dhigay carruurta ku dhaliyaan in ay qiimo la yeelato Kiristaannimada iyo in ay u haajiraan reer Galbeedka.

Wuxuu sheegay in cid kasta oo ka qayb-qaadata waxbarasho faafinaysa dhaqanka reer Galbeedka inay la kulmi doonaan cawaaqib.

Garabka waxbarashada iyo arrimaha dhallinyarada ee Al-Shabaab ayaa bishan horraanteedii soo saaray manhaj cusub oo luuqaddii Ingiriiska ku badalaya Carabi.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay isku dayeyso in ay carruurta ka hor istaagaan waxbarashada quman, ayna rabaan in ay maskaxda ka beddelaan si ay u noqdaan kuwo taabacsan oo aan su'aal ka keenin afkaartooda dagaalka ku dhisan.

Al-Shabaab ayaa weli maamusha qaybo badan oo dhulka Soomaaliya ah, waxayna weerarro ku qaadaan qaar ka mid ah dalalka ay deriska yihiin.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: