SOOL: Dad Ka Badan 40 Oo Ku Dhintay Dagaal Beeleed

Sool (Dhamays) – Wararka ka imaanaya deegaanka Dhumay oo 45 kiilomitar xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ee Somaliland, waxay sheegayaan in dagaal beeleed dhimasho iyo dhaawac gaystay uu halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in dad ka badan 40 qof ay ku dhinteen dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Dhumay, halka dad ka badan 80 qofna ay ku dhaawacmeen, sida uu Guddoomiyuhu u sheegay Idaacadda BBC-da.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa codsaday in gurmad caafimaad oo degdeg ah la gaadhsiiyo Cisbitaalka, maaddaama ay adeegyada caafimaadku aad gabaabsi ugu yihiin Cisbitaalka.

Dadka deegaanka waxay BBC-da u sheegeen in dagaalka uu billowday saaka, isagoo socday ilaa galabta, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay adeegsanayeen hubka culus ee tiknikada dagaalka.

Dagaallada ku soo noqnoqday deegaanka Dhumay ayaa la sheegay inay ku salaysan yihiin aano qabiil iyo dhul, waxaana dagaallada ka dhacay halkaasi ku dhintay boqollaal dad ah.

Toban maalmood ka hor ayay ahayd markii heshiis xabbad joojin ah ay gaadheen beelaha colaadda isku haya, waxayna arrintaasi ka dambeysay muddo labo bilood ah ay waxgaradka deegaanka iyo Masuuliyiinta Dawladda Somaliland u fadhiyeen xallinta dagaalka.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: