Somaliland:Xaalad Nolol Xumo oo Soo Food Saartay Dadka Ku Nool Deegaan Kiilaw Mittero Yar u Jira Madaxtooyada+Khubarada Caafimaadka oo Qaylo Dhaan ka Soo saaray

 

Somaliland: Biyo la’aan ka jirta Deegaamo ka tirsan Degmada Dacarta.

Bulshada Degmada oo cabasho ka muujiyey Horumar la’aan iyo Haraad…

Hargeysa(Dhamays)-Biyo-yaraan ayaa soo food-saartay deegaamo ka tirsan Degmada Dacarta ee Gobolka Maroodi-jeex, kuwaasoo oo aanay helin Roobabkii Dayrta iyo Karintu, sida ay sheegaan Bulshada Deegaamadaas ku dhaqan oo Warbaahinta la hadlay.
Biyo-yaraanta ayaa timi, kaddib markii ay go’een Baliyadii iyo meelihii kale ee ay Dadku Biyaha Ku kaydsan jireen, oo marka horeba aad u yaraa.
Meelaha ugu daran ee ay Biyo-laantu ka jirto waxa kamida Magaalada Dacarta iyo nawaaxigeeda, halkaasoo ay gabi ahaanba gudheen Bali-gacmeedyadii ay Biyaha roobka ku kaydsan jireen Dadku, sida uu Warbaahinta u sheegay Maxamuud Maxamed Aw Cismaan oo kamida Maamulka Magaaladaasi.
“Baahida ugu darani waa Biyo la’aan, Baliyadii way gudheen oo Biyo kuma soo dhawaan, meel kale oo Biyo lagu kaydsadayna ma jirin, markaa Magaalada iyo hareereheedaba aadbaa loogu haraadan yahay” ayuu sheegay.
Waxa uu intaa ku daray in dabayaaqadii sanadkii hore ee 2017, qorsheyn laga samaynayay Magaalada Dacarta la aasay qaar kamida Baliyaddii ay Magaaladu ka cabi jirtay, taas oo aan bedelkoodii loo samayn.
Maxamuud ayaa sheegay inay Bulshada Deegaamadaasi ay iminka biyaha ay cabaan ka helaan Booyado ka soo Dhaamiya Deegaamo ka baxsan Degmada oo aad uga fog, waxaanu tilmaamay in Sicirka laga siiyo Biyahaasi uu kor u sii kacayo “maalmihii la soo dhaafay Booyadda 40 Foosto qaada waxa la siinayey 470000shls, laakiinse maanta shan Boqol oo kun (500,000shls) ayey ka dhigeen” ayuu yidhi.
Waxaanu intaa ku daray inaanay dhaqaale ahaan awoodin Dadku wada awoodin inay Iibsadaan Biyaha “Dadka qaar ayaan awoodin inay Iibsadaan Biyo, markaa xaaladdu waa adagtahay haddii aan alle ka soo furan dhibaatada”.
Geesta kale, Saraakiisha Caafimaafka ee Degmada ayaa walaac ka muujiyey inay dhibaatooyin caafimaad iyo nafaqo-daro ka dhashaan Biyo la’aanta ka jirta xarunta Degmada iyo deegaamada ku xeeran.
” Dadku marka horeba may haysan Biyo Nadiifa oo waxay Cabi jireen Biyaha Baliyada oo aad u dayacnaa, kuwiina iminka way go’een oo dhowr bilood lagama cabin”sidaasna waxa sheegay mid kamida saraakiisha xarunta Caafimaafka ee Degmada.
Bulshada ku dhaqan Degmadan ayaa maanka ku haya balanqaadyo dhanka adeegyada aasaasiga ah oo ay Xukuumaddii hore ee Xisbiga Kulmiye u fidiyeen, waxaanay Dawladda Madaxweyne Muuse ka codsadeen inay wax ka qabato baahiyaha kala duwan ee ay Biyo la’aanta iyo Maamul la’aantu ugu horeeyaan.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada oo aanu la  xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino Cabashada Bulshada ayaanay noo suurto-gelin, kaddib markii ay ka jawaabi waayeen Telefoonka gacanta, gaar ahaan Guddoomiyaha Degmada Cabdiraxmaan Yuusuf oo aanu la  xidhiidhnay.

Deegaanka Dacarta ayaa ka Tirsan Gobalka Maroodi Jeex ee Caasimada Somaliland ku Taalo.

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: