Somaliland:Qalab Saaxada Shaqada ka Saaray Shaqaalaha Muruq Maalkaa +Saamayn Nololeed oo uu Ku Yeeshay

Hargaysa (Dhamays): Iyadoo Horumarka Jamhuuriyada Somaliland ku Talaabsaneyso uu Maalinba Maalinta ka Dambaysa uu sii Kordhaayo Islamarkaana uu ku So Xawaare Xawliya oo la Jaanqaadaaya Aduunyada Inteeda kale.

Dhismayaasha oo Qayb ka ah Hanaanka Horumarineed ee kala Duwan ee ka Socda Dalka Somaliland,Dhismayaashan oo iskugu jira kuwa Dawliya oo Haayadaha  Dawlada ee kala Duwan ee Qaranka Somaliland leeyahiin iyo Dhismayaal Gaara oo Ay leeyahiin Muwaadiniinta kala Duwan ee Udhashay Somaliland,kuwaas oo Bilicda Magaalooyinka Doorweyn ka Ciyaaray .

Hadaba Iyadoo aduunyadu Hada u sii Guurayso Nidaamka Elagtaroonigaa (Electronic System),kaas oo Hada ku sii fidaaya Guud ahaan Qaab nololeedka Bulshooyinka .

Qalab  Casriya oo ka mida Aaladaha Elegtarooniga hada lagu shaqeeyo ayaa Hada ku soo Badanaaya Goobaha laga Wado Dhismayaasha Waxaana Qalabkaasi ka mida Qalab u Shaqeeya Sida Wiishka oo kale balse Galay Kaalintii Shaqaalaha ka Xoogsada Muruqooda ee loo yaqaano Kuuliga kuwaas oo iyagu ah kuwa ugu badan Shaqaalaha ka Shaqeeya Shaqada Dhismaha Balse Qalabkan ayaa Hada Saaxada Shaqada ka Saaraaya Shaqaalahaa Muruq Maalkaa ee Kuuliga .

Qalabkan oo ah Wiisha ka Samaysan foosto Qaadaysa Shaqadii markii Hore Kuuligu ku Qaadi jiray Gacantooda ee loo adeegsan jiray Baalidiga .

Halkan waxaanu idiinku soo Bandhigaynaa Muuqaal Muujinaaya Shaqada Qalabkaasi.

Halkan ka Daawo Muuqalkan.

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: