Somaliland:Odayaasha Dhaqanka Beelaha Subeer Awal oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Ceel Afweyn iyo Dhumay ee Gobalada Sool iyo Sanaag.

Hargaysa (Dhamays): Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Dega Gobalada Maroodijeex ,Saaxil ,Togdheer iyo Gabiley ee Subeer Awal oo maanta Kulan Saxaafadeed ku Qabtay Magaalada Hargaysa ayaa Baaq iyo Fariin Nabadeed u diray Beelaha ku Dhaqan Deegaanada Ceel Afweyn iyo Dhumay ee Gobalada Sool iyo sanaag .

Odayàashana oo iskugu jiray Salaadiin,Caaqilo iyo Ugaasyo ka mid Bahda Isimada Beesha Subeer Awal Ayaa Baaqoodan waxay ugu Horeynba Fariin Fariin Tacsiya iyo Baaq Naadeeda u Direen Beelaha Wada Dega Deegaanka Dararweyne iyagoo Qoyskii Laga Dilay Qofka Habeen Hore kaas,oo Lagu Toogtay Deegaanka Dararweyne waxaanay Qoyska Marxuunka ugu Baaqeen inay Is xakameeyaan iyagoo Geesta kalana Jufada Dilka Gaysatay u Diray Farin ah inay Gacanta Dawlada Soo galiyaan dhagar Qabaha Dilka gaystay.

Odayaasha ayaa Beelaha Deegaanka ugu baaqay in la ilaaliyo Nabad galyadii dhawaan lagu Gaadhay Deegaanka Ceel Afweyn Islamarkaana walaaltinimada iyo Wada Nolashaha meel looga so Wada jeesto cidii waxyeelayneysa .

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka Beelaha Subeer Awal ayaa Fariin Nabadeed u diray Beelaha Gobalka Sool Koofurtiisa Deegaanka Dhumay ku Dagaalamay waxaanay Beelahaasi ugu Baaqeen inay Caqliga Fiican ka shaqeysiiyaan Islamarkaana la joojiyo Xabada xal Nabadeedna lagu dhameeyo waxa dhiba ee jira .

Halkan ka Daawo Muuqalkan

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: