Somaliland:Madaxtooyada Somaliland oo Hayadaha Dawlada iyo Wasaaradaha Siisay Amar Qandaraas Kooto loogu Xidhay Shirkad ay Mukiilaheeda Madaxweyne Muuse Biixi Isku Qoys Yahiin

Shirkad Ay Mukiilaheeda Madaxweyne Muuse Biixi isku Jufo (Qoys)yahiin oo loo Xidhay Kooto Xafiisyada Dawlada
Hargaysa:(Dhamys)
Iyayoo Bilawgii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ay Haayadaha Xukuumada laga Mabnuucay Ama lagu Amray inay Xafladaha Xilwareejinta ku Qabtaan Hotelada Gaarka loo leeyahay Islamarkaana Haayadaha Xukuumada la Faray inay Xafladahooda ku Qabtaana Xarumaha Haayadaha Dawladu Leeyahiin taas oo Madaxtooyadu Talaabadaa ku Macnaysa in la Dhimo Dakhliga Faraha badan ee ku Baxaaya Huteelada lagu qabto Xafladaha kala Duwan ee Wasaaradaha iyo Haayadaha Xukuumadu qabsadaan,Talaabadan ayaa Bilawgeedii Bulshadu Soo Dhaweysay.
Hadaba taa badalkeedii ayaa Maalmahii ugu Dambeeyay lagu arkaayay Xaflado ay Wasiiro Xilka Kula kala wareegaayeen Xilal, Iyadoo Shirkad Gaar loo leeyahay ay Keentay Qaab Cusub oo ah Hool Huteel oo Wareega Islamarkaana Xarumaha Wasaaradaha iyo Haayadaha Dawlada laga Dhex Rakibo.
Shirkadan oo Mukiilaheeda ay isku Jufo yahiin Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Waxay Qandaraas Ku Qaadatay inay Xafladaha iyo Xil Wareejimaha Wasaradaha iyo Haayadaha Dawlada Ay ka kireyso Taandhooyin waaweyn oo loo Rakibay Qaabkii Hoolasha Huteelada Gaarka loo Leeyahay.
Shirkadan oo magaceeda la yidhaahdo Sagal Jet ayaa waxay Qandaraaskan ku Qaadatay Nidaam ka Baxsan Hanaanka Ganacsiga Somaliland (Somaliland Commercial Law).
Warar Dheeraada oo aanu ka helnay Hanaanka iyo Sifaha ay U Heshay Qandaraaskan ayaa tibaaxaaya in Mulkiiilaha Shirkada Daabacaada ee Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar uu Wasaaradaha Ula yimi Waraaq uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland,Kaas oo Masuuliyiinta Haayadaha Dawlada iyo Wasiirada lagu Amraayo inay Mulkiilaha Sagal Jet la Siiyay Qandaraaska Xafladaha Dawlada iyo Boodhadhka Wasaaradaha iyo Hayaada Dawlada Daabacaadooda.
Geesta kale Shirkadan Sagal Jet ayaa iyadu waxay Qandaraas ku Qaadatay Dhamaanba Boodhadhka Xafiisyada Dawlada ee Muujinaaya Magacyada Wasaaradaha iyo Haayadaha Xukuumada iyo waliba Sidoo kale Boodhadhka lagu Qoro Magaca Wasiirada iyo Masuuliyiinta Haayadaha Xukuumada kuwaas oo Dhamaanba loo Kooteeyay Shirkadan Sagal Jet .
Waxa Xusid Mudan in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Mukiilaha Shirkada Daabacaada ee Sagal Jet ay yahiin Isku Qoys Hoose ,Iyadoo Xiligii Ololahiina Mukiilaha Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar uu siweyn uga Dhex Muuqday Kaambaynkii Xisbiga Kulmiye Islamarkaana Xisbiyada Mucaaridku Shirkada ku Eedeeyeen inay Qayb ka ahayd Boodhadh Xisbiga Waddani lagu Qoray oo Magaalada Muqdisho laga Taagay kuwaas oo Sumcada Xisbiga Waddani lagu Wiiqaayay si Murashaxii Kulmiye oo ah Madaxweynaha Somaliland Xiligan u Helo Taageero Coded.
Munaasibadahii Xilwareejinta Wasaaradaha Arimaha Dibada ee Todkbaadkii Hore iyo Waxbarashada ee maanta ayaa Taandhooyinkani siweyn uga Soo Dhex muuqdeen.

Arintan Kootada loogu Xidhay Shirkada Sagal Jet ayaa Dadka Siyaasada Gorfeeyaa waxay ku Tilmaameen In Madaxweynahu Wiilkan ay isku Qoyska yahiin uga Dhigaayo Abaal Gud .
Isku soo wada Duuboo Waa Talaabo kale oo ka mida Talaabooyinka Reeraysan ee Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Ka Dhex Muuqata ,Balse Dadweynaha ayaa ka Dhursugaaya Halka ay ku Dambayso.
Mustafe Axmed Herer
Dhamays/Office
Hargaysa/Somaliland.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: