Somaliland:Imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiyada Sare iyo Hose Dhexe oo si Rasmiya saaka u bilaamay+Tirada Ardayda

Hargaysa(Dhamays): Guud ahaanba gobolada Somaliland waxaa saaka si rasmiya uga bilaabmay imtaxaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 4aad ee dugsiyada sare iyo fasalada 8aad ee dugsiyada hoose dhexe.

Tirade imtaxaanaadka saaka ufadhiisanayasa ayaa dhan 9931 arday oo ufadhiisanaya fasalka afraad ee dugsiga sare, halka fasalka sideedaad ee dugsiga dhexena ay ufadhiisanayaan 18256 arday.

Guud ahaan goobaha imtaxaanaadku ka furmayaan ayaa dhan 214 goobood sida uu Hadhwanaagnews uxaqiijiyay Guddoomiyaha Imtaxaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax.

Dhamaanba waxaa sinabada ugaadhay goobihii loodiray gaadiidkii siday shaqaalaha imtaxaanaadka ka shaqaynaya iyo qalabkoodiiba.

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnws

Hargaysa/Office.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: