Somaliland:Haayada Shaqaalaha Dawlada oo Maanta Ka Qayb Gashay Shirkii Golaha Wasiirada +Warbixinta ay soo Bandhigeen Masuuliyiinta Haayadu oo Golaha Wasiiradu ku Diirsadeen

Hargaysa(Dhamays):Shirkii 22aad ee Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa Warbixin ka jeediyay Masuuliyiinta Haayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland iyadoo Masuuliyiintu Fadhigaasi ka jeediyay Warbixin Muujineysa Hawlaha Shaqo iyo Talaabooyinkii ay Qabteen Mudooyinkii u dambeeyay .

Warbixintan oo aanu ka soo xiganay Boga Facebook ee Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Mudane Shar ma arke Geele.

Warbixintan ayaa udhigan sidan.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka qayb-gashay kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL, warbixin dhamaystiran oo ay siisay iyo go’aamo kasoo baxay.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa warbixin dhamaystiran siisay Golaha Wasiirada JSL halkaas oo aan kaga hadalnay; tirada shaqaalaha dawladda , tayadooda iyo tallaabooyinka degdega ah ee u qorshaysan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

-Haddaba, kulankan oo uu gudoominayey Madaxweynaha JSL isla markaana uu ku sugnaa Madawxeyne-ku-xigeenka JSL ayaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kaga hadashay in ay si buuxda u xidheen tirintii shaqaalaha Dawladda isla markaana ay bilaabayso buuxinta kaalmihii shaqo ee soo baxay si ay fursad ugu noqoto dhalinyarada JSL

-Intii kulanku socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay Golaha u bandhigtay siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah koboca shaqaalaha dawladda oo dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu samaysay halkaas oo aan u sheegnay in aan dhawaan golaha keeni doonno si kaabis iyo ansixin loogu sameeyo.

-Ugu dambayn, Golaha Wasiirada JSL ayaa bogaadiyey hawl-qabadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku samaysay diiwaan iyo kayd raandhiis leh oo shaqaalaha Dawladdu yeesheen abid iyo siyaasadaha loo sameeyey in lagu dhaqo shaqaalaha Dawladda oo aan horay u jirin iyaga oo go’aamo-na kalfadhiga kasoo baxeen.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maalmahan soo bandhigi doonta qorshaha hawl-qabadka shaqaalayanta Insha Allah iyo nidaamka loo marayo.

Faahfaahinta Kulankii 22-aad ee

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: