Somaliland:Gudoomiyaha Shirkada Telesom oo Qaarada Afrika Ka Dhex Hilaacay +Magaca Jamhuuriyada S/Land oo Sumcad lagu Qoray+ Arimaha Sababey In Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Ku Guuleysto Abaalmarin Caalami Ah

Somaliland:Gudoomiyaha Shirkada Telesom oo Qaarada Afrika Ka Dhex Hilaacay +Magaca Jamhuuriyada S/Land oo Sumcad lagu Qoray+ Arimaha Sababey In Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Ku Guuleysto Abaalmarin Caalami Ah

 

Hargeysa (Dhamays):- Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa Xalay Lagu Gudoonsiiyay Dalka South Africa Bilada ugu Sareysa Dhinaca Technology-ga ee Qaaradda Africa Ee Sanadkan 2018ka

Waxay aheyd markii u horeysay ee gudoomiyaha shirkada Telesom u Tartamo Abaalmarintan Africacom .

Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas’uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland.

Geesta kalana Xukuumada Somaliland ayaa Dhambaal Hambalyo ah u Dirtay Gudoomiyaha Shirkada Telesom Cabdikariin maxamed iid Guusha uu ka Gaadhay Abaalmarinta Isgaadhsiinta Qaarada Afrika ,Waxaana Sidaa lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Boosaha iyo Tiknoolajiyada Somaliland.

Isku soo wada Duuboo Guushan ayaa noqotay mid Caalamka Lama Filaan ku Noqotay iyadoo Guushana Ay kor u Qaaday Sumcada Jamhuuriyada Somaliland, Maadaama Somaliland aanay wali Aqoonsi Buuxa ka Helin Caalamka .

 

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: