Somaliland:Askari Shaqo Wanaag iyo Daacadnimo Ku Helay Darajo Madaxweyne

Somaliland: Askari Shaqo wanaag ku mutaystay Dalacsiin madaxweyne

ASKARI MADAXWEYNE MUUSE DALACSIIYEY

Madaxweyne Muuse oo Bilad guddoonsiinaya s/xadhigle Muxumed Ismaaciil Faarax

Saddex Xadhigle Muxumed Faarax oo markii labaad abaal-marin ku helay Shaqo wanaag iyo Daacadnimo iyo Madaxweyne Muuse oo laba biladdood guddoonsiiyey..DAAWO MUUQAAL

Hargeysa(Dhamays)-Muxumed Ismaaciil Faarax, waa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, gaar ahaan qaybta Nabad-gelyada Waddooyinka, waxaanu hadda u dalacay Saddex Xidigle, kaddib markii maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu goob fagaare ah ku guddoonsiiyey bilad shaqo-wanaag oo ay ku maamustay Jaamacada Hargeysa oo maanta ku dhawaad kun Arday ka qalin-jabisay faracyadeeda kala duwan.

Sarkaalkan oo hore uga soo muuqday Warbaahinta isagoo si mutadawacnimo ah uga shaqaynaya waddo ku taalla Magaalada Hargeysa oo burburtay, kaddibna si aanay gaadiidku dhibaato ugu mudan dhagax ku buux-buuxinaya, ayaa magaciisa lagaga dhawaaqay munaasibada qalin-jabinta Jaamacada, waxaana u baaqay masuul ka tirsan Jaamacada oo sharaxaad ka bixiyey asbaabaha ay bilada ugu maamuuseen.

Muxumed oo Waddo burburtay buux-buuxinaya.

Muuqaal.

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamays/Office

Hargaysa/Somaliland

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: