Somaliland: Waxyaabaha Sababta u ah Khiyaamooyinka Dhexmara Bulshada Macaamilka Ganacsi ka Dhexeeyo

Aadan Xaaji Cali Axmed
Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed

Hargeysa (Dhamay News) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shaaciyey in ay aad u sii kordhayaan khiyaamooyinka kala duwan ee ka dhex dhaca bulshada macaamilka ganacsi ka dhexeeyo.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in khiyaamooyinka ka dhex dhaca bulshadu ay u badan yihiin waxyaabaha ay dadku kala iibsadaan ama lacagaha la kala amaahdo oo aan loo marin dariiq sharci ah, isla markaana aanay labada dhinac kala qoran wax heshiis ah.

Bulshadu ganacsiyo ayey gelayaan oo heshiisyo ayey gelayaan oo lacago ayey kala ammaahanayaan (dayn ku kala qaataan), daaro ayey dhisanayaan oo dhul ayaa laga iibinayaa, iyagoo aan sharciga hubsan ama aan la tashan dad sharci-yaqaanno ah, iyagoo dhukumantiyada la isku wareejinayo iyo heshiisyadaba si degdeg ah ku gelaya, markaa arrintaasina khatarteeda ayey leedahay. Markaa bulshada waannu u sheegnay sannadkii hore (2018), imminkana waanu ku celinaynaa ee waa in arrintaas laga fiirsado. Waxa aad arkaysaa qof laga iibiyey meel qof kale leeyahay oo waxa aad arkaysaa dad la khiyaameeyey oo waxa aad arkaysaa dadka oo aan waxba kala qoranayn oo suuq madaw lacagtii ku kala qaatay. Markaa arrintaasi waxa sababtay in dacwado badan oo muran badan dhaliyey ay ka yimaadaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhawaan soo bandhigay waxqabadkii u qabsoomay sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu bulshada leedahay si fiican u hubiya heshiisyada aad gelaysaan oo wax kala qorta, sharci-yaqaanno adeegsada oo meesha la idinka iibinayo taga, soona arka oo cidda wax idinka iibinaysa iska baadha (hubiya) oo haddii ganacsi la wada gelayo dadku ha is-bartaan oo wax ha kala qortaan, hana caddeeyaan waxa ay kala iibsanayaan, hana ka fiirsadaan heshiisyada ay gelayaan, waxyaabahaas oo dhan ayaannu soo jeedinaynaa, haddii kale hadhaw maxaa la idiinka gar-naqi, ilayn waa goor lagu dhacay ama xili ay wax waliba isbeddeleen oo ah goor ay laba boqol oo gacmood isku dhiibeen, iskuna sii wareejiyeen.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in is-beddel weyni ku yimi dhaqankii wanaagsanaa ee bulshada, isla markaana ay meesha ka baxday xafidka iyo ilaalintii ammaanadu, waxaannu yidhi; “Dadku sidii hore maaha oo bulshadu way isbeddeshay oo sidii hore aaminaad uma laha, wanaaggii hore ee bulshadu lahayd wuu yaraaday oo waxa weeye adduunyo (dhaqaale) ayuun baa la wada daba yaacayaa oo qof walba wuxuu doonayaa inuu wax dhufto xalaal iyo xaaraanba, markaa waxaaga (heshiiskaaga iyo hantidaada) adkayso oo sharciga raac, weliba dadka ugu badan ee dhibbannayaasha ah waa bulshada qurbo-joogga ah oo iyagoo dibadaha iska jooga ayey lacago soo dirayaan si dhul ama hanti loogu iibiyo, waana dadka ugu badan ee dhibku ku dhacdo, waxbana aan loo hayn oo marka ay hadhaw halka (dalka) yimaadaana jaho-wareeraya.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa sheegay Maxkamadaha dalka iyo masuuliyiinta garsoorkuba ay ku shaqaynayaan caddaalad, balse caddaaladda dhammaystiran ee sugan laga helayo Ilaahay (SWT).

Markaa horta halkan (Maxkamadda Sare) ama meeshan aan anigu madaxda u ahay, madaxda kala duwan ee iga hoosaysa iyo kuwa kale ee hay’adaha kale joogaba waxa aannu hayno waa gar oo gar ayaa la qaadayaa oo cid imanaysa (dacwado keenaysa) ayaa go’aan laga gaadhayaa. Markaa meeshani maaha xafiis iyo xarumo qurux badan oo adduun (dhaqaale) lagu qaybinayo maaha ama maaha meel cid kolba lagu soo salaamayo, balse waa meel dadka u yimaada ee dacwadaha keena qaybna loo xukumo, badhna laga xukumo, markaa bulshooy Ilaahay (SWT) ayuun baa caadil ah oo caddaaladda kama dambaysta ah Alle ayaa haya, laakiin hawlwadeenadayada halkaas joogaa way dedaalayaan oo caddaaladda ayey ku taagnaanayaan,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxaannu tilmaamay in tallaabo adag laga qaadayo cidda ka tirsan hawlwadeenada bahda garsoorka ee ka baydha sharciga, isla markaana lagu qabto falal la xidhiidha caddaalad-darro iyo eex badheedh ah, waxaannu yidhi; “Qofka (cidda garsoorka ah) badheedhana (sharciga ka baydha) tallaabo ayaa laga qaadayaa oo sannadkii dhawaa tallaabo ayaannu ka qaadnay oo waxa jira dad (garsoorayaal) la ruqseeyey oo shaqada laga fadhiisiyey, waxa jira dad la siiyey digniino kama-dambays ah, qaar digniin koowaad la siiyey ayaa jira oo waxa jiraa qaar gobollada loo kala beddelay oo marka ay noo caddaato ee ay caddaalad helaan ee ay is-difaacaan (garsoorayaasha eedaysanaha ah) tallaabo ayaa laga qaadayaa.”

Waxa kaloo uu fariin baaq ah u diray bulshada reer Somaliland, waxaannu yidhi; “adiguna (bulshooy) caddaaladda ku taagnow oo iska ilaali laaluushka oo iska ilaali in aad qabyaalad marto, iska ilaaliya in aad istidhaahdo eex raac oo iska ilaali in aad adduunyo marto, intaasiba midna kuu socon mayso, qofka lagu qabto ee ay ku caddaatana waa la xidhayaa oo tallaabo ayaa laga qaadayaa. Dhinaca ah hawlwadeennada ka shaqeeya garsoorka waa nagan la xisaabtamayna ee baadhayna, tallaabana ka qaadayna, (haddaba markaa) bulshada la timaad intaa in le’eg ee istidhaahdo wax ku hel eex ama qabyaalad raac ama saaxiib raac ama ehel raaca ama wax kale raac ama adduunyo (dhaqaale) raac ama khimaayo raac, laaluush raac, marka lagugu qabto tallaabo ayaa lagaa qaadayaa, mana soconayso oo wixii naga qarsoomaha ee Ilaahay (SWT) uu ogyahay mooyaane, wixii kale ee noo muuqda ee aannu baadhno ee aannu helno tallaabo ayaannu ka qaadaynaa, haddii ay tahay dadka ka shaqeeya Hay’adda Garsoorka iyo haddii ay tahay dadweynahaba oo labadaba tallaabo ayaa laga qaadayaa, waana in aad sidaas u ogaataan oo idinkuna ku qanacdaan.”

Caddaaladda marka go’aan la gaadhana dee garsoorka ama garsoorayaasha looma waxyoonayo, balse waxa ay iyaga la tahay marka ay sharciga eegaan, dacwadahana dhegaystaan ayey yeelayaan oo go’aaminayaan oo marnaba dhinacyada dacwaddu ka dhexayso dhinac ayaan ku farxayn, laakiin gartii waa la qaadayaa oo dacwadaha waa la dedejinayaa, caddaaladdana waa lagu taagnaanayaa ee idinkuna waa in aad ku qanacdaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: