Somaliland: Wasiir Hore Oo Sheegay Inuu Xanuun Ka Qaaday Lacag Aanu Lahayn Oo Uu Cunay

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirkii hore ee Boosahaa iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo Warbaahinta la hadlayay Shalay ayaa sheegay in cudurro kala duwan uu ka qaaday lacago ka badan Mushaharkiisa oo uu cunay muddadii  uu xilka hayay.

Mar uu ka hadlay sababta  aanu u dooneynin in uu xil danbe ka qabto Somaliland ayuu yidhi  “Annigu wax la qariyo ma aqaan, xanuunno aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, maxaa yeelay waxaa lagu leeyahay xil Wasiir ayaad haysaa, mushaharkaagu marka la isku dardaro waa wax la eeg $ 1500 oo dollar, kaddibna waxaa lagu dhiibiyaa miisaaniyadda ay ku qoran yihiin lacago la doonayo in howlo gaar ah lagu qabto, lacagta intaa la egna marka aad eegto xaaladda waddanka iyo baahida jirta dee’ kuma kaafiyayso’’

Mr. Abgaal oo Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Hargeysa ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inuu Xanuuno qaaday intii uu hayey Xilka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland “Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagay, dhakhtarkii wuxuu i yidhi kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yidhi dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa ku soo gala,  waana xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”

Maxamed Jaamac Abgaal

Wuxuu Alle weydiistay in uu ka cafiyo sida uu hadalka u dhigay lacagihii hore ee xaaraanta ahaa ee soo gallay ama uu cunay  “Xil danbe oo aan loo heyn dhaqaale kugu filan oo aad ku shaqeyso annigu diyaar uma ihii, Illaahay banan ka hoos galay Xil dambe oo aan loo haynin wixii aad ku shaqaynaysay oo kugu filan diyaar uma ihi..” ayuu yidhi.

Waa siyaasigii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo sheega in muddadii uu xilka hayay uu qaatay ama cunay lacago ka badan sida uu hadalka u dhigay Mushaharkii uu xaqa u lahaa.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: