Somaliland: Suldaanka Guud Oo Dagaal Ooge Ku Sheegay Suldaan Kale

Hargeysa (Dhamays) – Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa eedaymo u jeediyey Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Habar Yoonis, ka dib markii Suldaankaasi ka hor-yimid Go’aan uu Suldaanka guud ku joojiyey Shir Beelaha Gar-xajis doonayeen inay ku qabsadaan Magaalada Burco.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ku sugan Magaalada London ayaa xidhiidh uu la soo sameeyay Telefiishanka SAAB shalay wuxuu ku sheegay inaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir aanu joojin karin Shirka Beelaha Gar-xajis doonayaan inay qabsadaan “Waxaanu u sheegayaa dhammaan bulshada Garxajis meel kasta oo ay joogaan in aan shirkaasi wax joojin iyo wax ka bedal ahi midna aanu jirin oo sidiisii iyo waqtigiisii uu dhici doono haddii ALLE yidhaahdo..” ayuu yidhi, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar Shalay, balse Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Suldaanka guud ee Beelaha Habar Yoonis yahay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar-na wuxuu ku eedeeyay inuu qayb ka yahay Dagaal soo noqnoqday oo u dhexeeya laba Beelood oo wada dega deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag.

Daawo: Suldaan Maxamed Sul. C/qaadir oo Arrimahaa ka hadlaya

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: