Somaliland Oo Laga Oogay Salaaddii CIIDDA SOON-FUR Iyo Saylici Oo Shacabka La Tukaday

Hargeysa (Dhamays) – Guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ayaa Maanta looga dareeray Tukashada Salaaddii Ciidda SOON-FUR, oo sidoo kale laga Tukaday Guud ahaan Dunida Muslimka ah.

Dadweynaha Somaliland, ayaa Subaxnimadii Hore ee Saaka u dareeray Masaajiddada waaweyn ee Dalka iyo Fagaraareyaasha lagu Tukado Salaadda Ciidda.

Salaadda Ciidda waxa Shacabka kala qayb-galay Madaxa Xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo Madaxda Gobollada iyo Degmooyinka, kuwaasi oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha.

Madaxwayneku-xigeenka oo khudbad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal fidriga, isagoo Madaxwayne ku-xigeenku khudbadiisa kaga hadlay wadahadaladii u socday Khaatumo iyo Jamhuuriyada Somaliland, ee dhawaan ay ka soo baxeen go'aamadii lagu heshiiyey ee hordhaca ahaa, waxaana uu sheegay Madaxwayne ku-xigeenku in xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay dalka ku wado muslaxad iyo isu soo jiidista bulshada Somaliland waxaanu yidhi "Aad baan idiinku hambalyaynayaa munaasibada ciidul fidriga awgeed, waxa kale oo aan jecelahay in aan ka hadlo heshiiska ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo,  waxa jira dad mixnad ka dhex abuuraya heshiiskaa ama xageenan ha joogaan ama kuwii iyaga la joogay ha ahaadeene, waxaan aaminsanahay inay heshiiskaasi uu ahaa heshiis qaran" ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku sheegay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Saylici, Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi, Taliyaha Booliska, Fadal iyo Masuuliyiin kale

Magaalooyinka Somaliland, ayaa waxa Tukashada Salaaddii Ciidda ka dib, waxa camiray Dadweyne iskugu jira Carruur iyo Waalidkood oo si wanaagsan u lebisan, kuwaasi oo si wada jir ah iskugu hambalyeeyaynaya Farxadda Ciidda.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: