Somaliland oo Ku Hanjabtay inay U Aargudidoonaan Taliyahii Taleex ee Ciidamada Milatariga oo Puntland Xalay Jid Gooyo ku khaarajiyeen

 

 

Hargaysa (Dhamays):Ciidamada Maamul Gobaleedka Somalia ee Puntland ayaa Habeenimadii Xalay Saacadahii Dambe Weerar Jid Gooyo ah Ku Dilay Taliyahii Ciidamada Milatariga Ee Gobalka Xaysimo iyagoo Dhaawacay Maayirkii Magaalada Taleex.

Hadaba Falkan Waxashnimada ah ayaa waxa jawaab adag ka bixiyay Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland, Oo Ku tilmaamtay Ficil Colaadeed oo Maamulka Garoowe ka Bilaabay Xadka Somaliland iyo Somalia u Dhexeeya,Xukuumada Somaliland ayaa Falkan Ku Macneysay Fil Cusub oo Maamulka Garoowe ki soon Daray Dagaalka Milatari ee ka Dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo Mudanayaal ka Tirsan Aqalka Baarlamaanka Somaliland, ee Guurtida iyo Wakiilada oo Maanta Xafiiska Wasiir Koore kula Hadlay Warbaahinta ayaa Wacd Ku Maray inay Somaliland iyo Dadka Reer Sool ka Bixin doonaan Jawaab Ku Habon Falkaasi islamarkaana ay u Aargudidoonaan Taliyahaasi Jid Gooyada loo Galay.

;Waanu Aaarsandoonaa ..Wasiir Koore.

Halkan Ka Daawo Warkaasi .

 

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews/Office

Hargaysa/Somaliland.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: