“Somaliland Nin Gacan U Qaaday Kama Tagin Isagoon Adhaxda Ka Jabin..” Muuse Biixi

Hargeysa (Dhamays) – Musharraxiinta doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa Digniin u diray Maamul-Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ka dib markii Baarlamaanka Maamulkaasi Go’aamiyey inay ka hor-tagaan in Doorashadu ka dhacdo deegaannada Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ay Mulkiyaddooda sheegtaan.

Musharraxiinta Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, UCID Faysal Cali Waraaabe iyo WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Maanta si Wada-jir ah uga hadlay faro-gelinta Maamulka Puntland shaaciyey inay ku samaynayaan Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo loo dareerayo Isniinta haddii Alle yidhaahdo.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan leeyahay ha u xumaynina Xidhiidhka Dadka Riximka ah ee wada-dhashay, ballan waxaan ku qaaday haddaan soo baxo, waan soo bixiye inaan idinla Xisaabtamo (Puntland), haddaad taa ku dhaqaaqdaan.”

Musharraxa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna gar-daro ku sheegay faro-gelinta Puntland sheegtay inay ku samayn doonto Doorashada Somaliland, gaar ahaan Sanaaduuqda la dhigayo Deegaannada Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle “Baarlamaanka Puntland ama Puntland-ba waxay ku dhawaaqeen inay faro-gelinayso Doorashada Somaliland, Tallaabadaasi waa Gar-darro, marka hore waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka.”ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Digniin u diray Maamul-gobolleedka Puntland, waxaanu yidhi “Waxaanu uga digaynaa Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo ku dhawaaqday inay khalkhal-gelin doonto Doorashada. Annagu haddaanu nahay Somaliland waxaanu doonaynaa Nabad, Waayo? Somaliland way ka soo daashay Dagaal, Somaliland waa u waayo-arag Dagaal, Somaliland waxay ogaatay in wax ka wanaagsani aanu jirin in Dadku Nabad ku wada dhaqmaan.”

Musharrax Muuse Biixi waxa kale oo uu sheegay in Cadow kasta oo soo faro-geliya Somaliland uu adhaxda ka jabo “Mid-baase jirta, Weligeedba Cadow noo gacan-qaaday muu jabi-waayin, Taariikhda dib ha loo raaco, weligayo Cadow nagama adkaan. Ragga Maanta Ciidanka ka soo hubaynaya Garoowe, dib isku waraysta, Awoowyaashiin waraysta, Dawladihiinii u dambeeyay waraysta, weligeed Nin Somaliland Gacan u qaaday isagoon Adhaxda ka jabin kama tagin, waana taariikh cad. Annagu nabad-baanu rabnaa, idin soo faro-gelin mayno, Walaalnimadiina ayaanu jecellahay, inaynu Nabad ku wada noolaano ayaanu jecellahay, laakiin waxaan idiin sheegaynaa haddaad Maanta Doorashadaa Hab Ciidan ku soo Faro-gelisaan, iska dhaaf Cid kala’e Caasimadda Garoowe ayaa lagu murmi, ballan-baan taa idiinka qaadayaa.”ayuu yidhi.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal