Somaliland: Muuse Biixi Oo Noqday Madaxweynaha Shanta Sannadood Ee Soo Socda

Hargeysa (Dhamays) – Muuse Biixi Cabdi ayaa loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Maanta.

Xisbiga Kulmiye ee uu murashaxa u yahay Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% Doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 13-kii bishan November oo maanta lagu dhawaaqay Natiijadeeda.

Muse Biixi Cabdi ayaa ahaa guddoomiyaha xisbiga talada haya Somaliland.

Xisbiga Waddani ee uu murashaxa u ahaa Cabdiraxmaan Cirro ayaa doorashadii Toddobaad ka hor ka dhacday Somaliland waxa uu helay 40.73% halka xisbiga UCID uu helay 4.17%.

Cadbiqadir Iimaan Warsame, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay natiijada doorashada ee ay guushu ku raacday Muuse Biixi.

Natiijada doorashada ayaa qaadatay muddo toddobo maalmood ah waxaana soo baxayay qaar ka mid ah musharrixiinta oo dhaliilaya qaabka ay doorashada u dhacday. Haseyeeshee guddiga doorashada waxa uu beeniyay in ku shubasho ay jirtay.

Musharrixii xisbiga UCID Feysal cali Waraabe, ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: