Somaliland: Madaxweynaha Iyo Musharraxiinta Xisbiyada Oo Cambaareeyay Qaraxii Muqdisho

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Musharraxiinta Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa Cambaareeyay Qarax Doraad ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen Dad ka badan 230, kuna dhaawacmeen Dad gaadhaya 300.

Madaxweynaha Somaliland oo Caawa kulan la yeeshay Musharraxiinta Xisbiyada Qaranka, Taliyeyaasha Ciidammada, Shir-guddoonka Golaha Guurtida, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Masuuliyiin ka mid ah Xukuumaddiisa, ayaa Qaraxa Muqdisho ka dhacay ku tilmaamay Mid Argagixiso oo aad u fool xun, waxaanu Tacsi u diray ehelada Dadkii ku dhintay Qaraxaasi.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan cambaareynayaa, falka argagixisada foosha xun, ee ka dhacay caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Qoysaskii iyo Qaraabadii, ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa, ee halkaa ku geeriyooday.”

Qaraxan iyaguna Cambaareeyay Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Faysal Cali Waraabe.

Musharraxa KULMIYE oo Maanta ka hadlayey Munaasibad ka dhacday Hargeysa ayaa yidhi “Maanta waad la socotaan jaarkeena waxa ka dhacaya, magaalada Muqdisho saddex boqol oo qof (300) baa mar qudha ku dhintay, saddex  boqol (300) oo kalena waa dhaawac, kuwaas oo waayeel, carruur, dumar leh sheekh iyo shariif ba leh, waana masiibo weyn oo ummaddaas ku dhacday aad iyo aad baanu uga tacsiyadeynaynaa waanuna ka damqanaynaa dhibaatada qof kasta oo Islaam ah ku dhacday, haddii aynu KULMIYE nahay waxa aynu doonaynaa in Bani’aadka oo dhammi nabad helo oo Muslimku nabad helo, Ilaahay waxaynu ka rajaynaynaa inuu iyagana ka dulqaado geyiga oo dhanna nabad ku soo celiyo, innagana tusaale ayey inoogu filan tahaye waa inaynu khilaafka oo dhan ka fogaannaa.”

Musharraxa UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna Tacsi u diray Dadkii ku dhintay Qaraxaasi “Waxaan Tacsiyadeenayaa Dadka Soomaaliyeed Ee Reer Somalia Ee Qaraxa-Wayn Ku Dhintay, Waxaan Leenahay Ilaahay Ha U Naxariisto, Dadkii Ay Ka Dhinteenna Ilaahay Samir Iyo Iimaan Ha Siiyo, Walaalayaal Dadka Soomaalida Ahi Waa Isku Jidh-Qudha, Waynu Isku Naalnaa, Laba Dawladood Ayaynu Noqonee, Dad Isku Damqanayaa Ayaynu Nahay, Dadkaasi Somalia Qudha Kamay Dhimane, Soomaali Oo Dhan Ayay Ka Dhinteen, Marka Waan Tacsiyadeenaynaa, Ilaahay Waxaanu Ka Baryaynaa In Uu Ilaahay Nabad Siiyo ..,” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: