Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Guddi U Saaray Soo Wareejinta Maamulka Hawada

Hargaysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo  Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa  Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyay safar uu ugu maqnaa Dalka Itoobiya, halkaas oo ay wada-hadal ku yeesheen Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista Dawladda  Soomaaliya, Wada-hadalkaasi oo salka ku yahay sidii Soomaalidu xal uga gaadhi lahayd muranka maamulka hawada ee mudada ay gacanta ku haysay Hay’adda ICAO.

Wasiirka oo Arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aaniga iyo Wefti aan hoggaaminayey waxaanu ku maqnayn Dalka Itoobiya, socdaalkaas oo la hal maala sii anba-qaadka wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa maamulka hawada. Runtii hawada Somalinad iyo Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyay waxa laga maamulayay Qaramada midoobay oo ay u qaabilsan tahay Hay’adda ICAO, laga soo bilaabo 2013-kii illaa Maanta iyadaa gacanta ku haysa, oo waxa u qaabilsan xafiiska la yidhaahdo FIS (fly information service) ee Nayroobi ku yaala, waxa soo kordhay markaa duruufta ah in Hindiya shir lagu qabto oo markaa la is wadiiyo xogta xafiiskaa iyo Diyaaraduhu wada helayaan aanay suurto gal ahayn in la is maqli karo xagga bad-waynta Hindiya iyo xaga kaleba, markaa qorshaa soo baxay ah in hawada Soomaalida la qayb-qaybiyo oo loo qaybiyo Hindiya, Sycehles iyo Itoobiya iyo xiliga kala guurka ah ee ICAO oo ku eg bisha June 2018, xiligaasna loo baahan yahay ciddii hawada lagu wareejin lahaa inay muuqato.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay “Markaas ayaa la is-waydiiyay tolow Soomaalidu ma isku tashan karaysaa oo hawadaa ilaa Maanta ICAO gacanteeda ku jirta ma maamulan karaysaa, qolyaha yidhaahda hawadii waa la wereejiyay waxaan leeyahay hawada ICAO ayaa gacanta ku haysa ilaa December 2018 na iyadaa haynaysa wixii intaa ka danbeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayay dhex taallaa, markaa shirku waxa uu daba socdaa shirarkii hore ee Nayroobi iyo Istanbul, waxaana ajenduhu ahaa Soomaalidu ma isku tashan karaysaa, runtii arimo badan ayaanu isla eegnay dhinac Somaliland Weftigii aan hoggaaminaayay iyo xaga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka gaadiidka Soomaaliya waxaan aaminsanahay waxa uu ahaa isku day fiican, shirkaas qodobbo badan na waa isla soo qaadnay haddii hawada lagu wareejiyo Soomaaliya waxaan u sheegayaa Xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan Waddani may suurto gasheen in la yidhaahdo ha laga wada-hadlo  wax jeebkaaga ku jira suuro gal maaha in lagu yidhaahdo kaalay ka wada hadallee taas ayaa calaamad u ah in illaa hadda ilaa inta uu dhamaanayo mashruuca kala guurka ay hawadu gacanta ugu jirayso Hay’adda ICAO.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa Shirku waxa uu salka ku hayay uun sidii ay labada Dawladood heshiis uga gaadhi lahaayeen maamulka hawada, dabadeed heshiis ay wada saxeexaan ay u gudbiyaan ICAO, dabadeedna ay taasi suurto geliso hab labadii Dawladoodba u cuntamaya loo maamulo iyadoo laga duulayo arrimaha amniga iyo bed-qabka Diyaaradaha oo cabashadoodu soo badatay imika, weliba kuwa hawada sare maraya kuwaa ICAO ayaa ka qaadda khrashka Somaliland iyo Soomaaliya hawadooda marka ay marayaan. Markaa shirkani waxa uu ahaa bilow wada-hadalkuna wuu soconayaa waxaanu saarnay guddi farsamo oo labada dawladood ka socda oo isu imanaya sida ugu dhakhsaha badan oo eegaya sida ugu macquulsan ee hawadii loo maamulayo ee qolo waliba kaalinteeda ugu yeelanayso. Markaa waxay ku xidhan tahay waxa ay soo saarto khubaradaasi oo haddii loo baahdo aanu ku kabayno khuburo caalamiya, taas ayaa shirka danbe la iskula eegayaa talaabada la qaadayo, kani markaa isku day uun buu ahaa albaabka wada-hadalka furaya, albaabkiina wuu inoo furan yahay, waana maslaxad guud oo Soomaali oo dhan u dan ah,  runtii asbaab aanu u diidnaana ma jirto waananu soo dhawaynaynaa waxaananu odhan karnaa waa talaabo hore loo qaaday in dib loo bilaabo wada-hadalladii. Markaa khuburadaasi Qorshe ayay soo saaraysaa intaa ka horaysa Maamulka ICAO inay Soomaalidu heshiis ka gaadhi karayso, dabadeed ay ICAO u gudbiso, kadibna sidaa Soomaalida hawadeedu gacantooda ugu soo noqoto, Haddi taasi suuro geli waydo waxay noqonaysaa inay Dawlad waliba awooddeeda hawadeeda ku maamulato, waxaanuna rajeynaynaa inay wada-hadalladaasi noqdaan kuwa guulaysta.”

Wasiirka Duulista Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo aan Addis Ababa kula kulman Wasiirka Gaadiidka Itoobiya  Ahmed Shide oo aanu saacad xafiiskiisa kulan  ku wada qaadanay kana wada-hadalay wada shaqaynta xoojinta xidhiidhka labada Dawladood waxa kale oo aanu isla soo qaadnay waxay na siiyaan Waxbarasho bilaasha ah Maxadkooda Duulista oo ka mid ah kuwa ugu horeeya Afrika, hadda 10 arday ayaa noogu jira oo ah shaqaalihii (Air Traffic Controls) oo ah kuwa Diyaaradaha dejiya, hagayaasha markay Diyaaraduhu kacayaan, markaa waxaanu isla qaadanay in marka ay dhamaystaan lagu tababbaro Madaarka Itoobiya oo inaga Duulimaad badan si ay tayadooda aqooneed u dhisanto, waanu iga aqbalay Wasiirku inay tiro kale-na ay na siiyaan wasaaradda, iyagana dhawaan baan qorshayn doonaa waan u mahadcelinayaa Dawladda Itoobiya, runtii gacan wayn bay ina la kor taagan tahay gaar ahaan waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Gaadiidka Itoobiya iyo Raysal Wasaaraha labadaba.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey Guddiga Farsamo ee loo saaray Arrinta Maamulka hawada “Runtii shirarkaa hore ee Istanbul 1 iyo Istanbul 2 way socon waayeen  maamulka imika jooga Muqdisho na maaha kii hore inaga waa joogaa maamulkeeni markaa waxa hoggaaminaayay Madaxwaynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) haddana waa joogaa siyaasaddii ay ka lahaydna waxba iskama beddelin xuquuqda, aasaasiga ah ee Dalkani leeyahay ay ka mid tahay inaynu Hawadeena  ilaashano markaa xaggooda ayay berigaa ka socon wayday, markaa haddii shirkii hore guuldaraysto shirka danbe waxa uu kuu furayaa in aad qodobadii hore adiga oo sal uga dhigaya aad xalka raadiso, gudidaa farsamo ee aanu u saarnay ayaa kasoo talo bixinaysa sida ay u suurto gelayso inay wada-hadaladii u sii socdaan. Runtii kalsooni wayn ayaanu ku qabnaa anaga oo ilaalinayna xuquuqda aasaasiga ah ee qaranimadeena, hawadana cid lagu wareejiyay ma jirto oo haddii la warejiyay wada-hadal muu furmeen.”

Ugu dambayn, Wasiirka oo la waydiiyey sababta uu u xidhan yahay Madaarka Berbera, ayaa sheegay in sababtu tahay Rakaab diyaaradaha ka soo raacaya oo yar ama aan jirinba, isagoo tusaale u soo qaatay Diyaaradda Air Jabuuti oo 7 Maalmood fadhiisatay, laakiin markii Rakaab ka soo raaci waayey iska joojisay inay Madaarka Berbera fadhiisato.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: