Somaliland: Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Oo La soo Gabogabeeyay Maanta

Hargaysa(Dhamays) – Waxa Maanta Duhurnimadii si rasmiya loo soo xidhay Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Qaranka Somaliland, kaasi oo Muddo Todobaad ah ka Socday Guud ahaan Deegaannada Somaliland.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Kuwa Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ayaa shaaciyay in Guud Sanaaduuqdii Imtixaanaadku ay si Nabad ah ku soo gaadheen Xarunta Guud ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ee Magaalada Hargeysa

Shir-Saxaafadeed Maanta Duhurkii ay ku qabteen Xafiiska Imtixaanaadka ayay ku shaaciyeen in Imtixaankii Qaranku ku soo dhamaaday si nabadgalyo ah. 

Halkan hoose Ka Daawo Warkaasi.

 

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews.com/Office

Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: