Somaliland: Hay’adda Dhawrista Tayada oo Amartay in la Xidho Xarunta Dawooyinka Dabiiciga ah ee Al-huda Herbal Medicine

Hargeysa (Dhamays News) – Hay’adda Dhawrista Tayada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aan albaabada loogu xidhayo Xarunta Al-huda Herbal Medicine, kadib markii baadhitaan la sameeyey lagu ogaaday in xuntaasi dalka keentay galalka Kaabsoolka oo madhan (Empty Capsules).

Hay’adda Dhawrista Tayada

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf toddobaadkii hore, balse si rasmi ah loo faafiyey Arbacadii shalay, waxaannu caddeeyey in kaabsoolka madhan oo lagu qabtay Madaarka Hargeysa horaantii bishan January ee 2019 uu khatar ku yahay caafimaadka bulshada, maadaama aan si la ogayn dawooyinka loogu talogalay in lagu shubo.

Qoraalkan oo lagu socodsiiyey Xarunta Al-huda Herbal Medice, lana ogaysiiyey, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshadaha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddida Dhawrista Tayada, Xeer-ilaalinta Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay u qornayd sidan;

Ujeedo: Xidhis Ganacsiga Al-huda Herbal Medicine

“Aniga oo tix-raacaya Xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada ee Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkiisa 9-aad ee sheegaya dambiyada iyo ciqaabta (uu mutaysan karo) qofka lagu helo inuu soo saaray si warshadaysan, soo dejiyey, qaybiyey, iibiyey ama si uun uga ganacsaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland gudihiisa badeecadaha aan waafaqsanayn heer-tayeedka la waajibiyey ee uu xeerkani jidaynayo oo lagu ilaalinayo wax kasta oo caafimaad-darro u keeni kara bulshada.

Waxa jirtay in aad waddanka soo geliseen oo weliba qariseen kaabsool madhan (Empty Capsule) oo aanay wax daawo ah ku jirin, kaasoo khatar ku keeni kara bulshada reer Somaliland. Kaabsoolkan madhan waxa aannu in lagu gurayo daawo aan la garanayn waxa ay tahay, taasoo khatar kale ku noqonaysa caafimaadka bulshada.

Waxa jirtay daawooyin kale oo aannu idinku xidhnay in aad keentaan waraaqihii caddaynayey dawadooda iyo halka lagu sameeyey iyo tayadoodaba. Markii aan arkay waraaqihii oo aan waafaqsanayn shuruudihii aannu idiin sheegnay. Markii aan arkay khatarta ay keeni karto dawooyinkan aan la hubin iyo Kaabsoolkan madhan oo loogu talogalay in lagu shubo daawo aan la garanayn waxa ay tahay. Kadib markii ay Hay’adda Dhawrista Tayadu samaysay baadhitaan qoto-dheer iyo xog-ururin baaxad dheer, waxa ay Hay’addu go’aan ku gaadhay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16 January 2019 in la xidho dhammaanba ganacsiga Al-huda Herbal Medicine. Waxa aan farayaa dhammaanba laamaha dowladda ee kor ku xusan inay ka gutaan waajibaadkooda ku aadan fulinta go’aankan lagu xidhayo ganacsiga Al-huda Herbal Medicine,” ayaa lagu yidhi qoraalka uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: