Somaliland: Harimo-cadka Oo Faro-baas Lagu Hayo

Selel (Dhamays) – Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Gacanta ku dhigay 9 Harimo-cad oo la doonayey in Dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, Afar Qof oo Watay iyo Gaadhigii ay adeegsanayeen.

Sidoo kale, waxa Gobolka Sool lagu soo qabtay laba Harimo-cad oo iyagana la sheegay in la doonayey in dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, dhammaana waxay Ciidammada amnigu ku wareejiyeen Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland.

9-ka Harimo-cad ayaa waxa Gacanta ku dhigay Ciidammada Qaranka ee fadhisiinkoodu yahay Gobolka Selel.

Wasiirka deegaanka, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Warbaahinta uga warrantay arrintan ayaa tidhi “Isku-duwaha Wasaaradda ee Sool ayaa doraad noo soo sheegay in Jiidda Saax-dheer lagu hayo 2 Harimo-cad, markaas ayaanu gaadiid u dirnay, Shalay bay soo qaadeen oo ay halkan keeneen (Hargeysa)..”

Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay “Haddana waxa la noo soo sheegay in 9 kale la qabtay, kuwaasi oo Dooni ay diyaar u ahayd, lana hayo 9 Harimo-cad, Afar Qof oo ka ganacsanayey, Millateriga Somaliland ayaa soo qabtay..” ayay sheegtay, waxayna intaa ku dartay “Xalay ayay keeneen 9-kii Harimo-cad iyo Maxaabiistiiba.”.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.