Somaliland: Goleyaasha Dawladda Oo Dhamaantood Muddo-kordhin Loo Sameeyay Maanta

Hargeysa (Dhamays) –  Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Maanta Muddo kordhin u sameeyay Goleyaasha Xukuumadda, Wakiillada, Goleyaasha deegaannada,  halka Guurtiduna Muddo-xileedkooda korodhsadeen.

 

Fadhi Isniinta Maanta ay yeesheen Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi oo Guddoomiye u ahaa Guddi ka koobnayd 21 Xubnood oo loo saaray Inay ka soo talo-bixiyaan Muddo-kordhintu wuxuu kaga dhawaaqay Go’aamada ay soo gaadheen, kuwaasi oo kala ah inay Muddo-xilkeedka Xukuumadda oo ku eg-yahay 28-ka bisha Afraad ee Sannadkan loo sameeyay Muddo-kordhin ka bilaabantay 28-ka Bisha Afraad kuna eg 13-ka bisha 12-aad ee Sannadkan.

Sidoo kale, waxa Guddoomiye ku-xigeenku sheegay in Golaha Wakiillada loo sameeyay Muddo kordhin ka bilaabanta 28-ka bisha Afraad ee Sannadkan, kuna eg 28-ka bisha Afraad ee Sannadka 2019-ka, halka Goleyaasha deegaanka oo Muddo xileedkoodu ku ekaa 28-ka bisha 11-aad ee Sannadkan loo kordhiyey Muddo kordhin ka bilaabmaysa 28-ka bisha 7-aad ee Sannadkan, kuna eg 28-ka bisha Afraad ee Sannadka 2019-ka, taasi oo Macnaheedu yahay in Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka mar la wada qabanayo.

Muddo-xileedka Golaha Guurtida ayaa noqonaya Hal Sanno ka dib Dhammaadka Muddo-xileedka Golaha Wakiillada, taasi oo ka dhigan in Golaha Guurtidu sii fadhiyayo illaa 2020-ka haddii Alle yidhaahdo.

Soo Jeedinta Guddidii loo saaray Talo-bixinta Muddo-kordhinta, ayaa markii loo codeeyay waxa ogolaaday 74 Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida, Cidna ma diidin, waxa ka aamusay Hal Xildhibaan, halka aanu Guddoomiyaha Guurtida ee fadhigan Guddoominayey aanu codeynin.

%d bloggers like this: