Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2019-ka, Fasaxnay Galay

Hargeysa (Dhamays) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka.

Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ayaa dhan 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhiganta 420 milyan oo dollar.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland

Kal-fadhiga lagu ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda waxaa shirgudoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadirey 60 xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyadda, waxaana u codeeyey oo ogolaaday 46 Xildhibaan, 12 xildhibaana way diideen, hal xildhibaanna wuu ka aamusay, halka aanu Guddoomiyuhuna ka codaynin.

Sidoo kale, ansixinta misaaniyadda waxa lagu daray lifaaqii guddi-hoosaadka dhaqaaalaha ee golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo ay kaga reebeen Lix wasaaradood oo kordhiyey tacriifaddii ay qaadi jireen, Intaas ka dibna waxa uu goluhu gallay fasax laba bilood ah.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: