Somaliland: Dawladda Oo La Wareegtay Xarumo Warbaahin Madax-bannaan

Hargeysa (Dhamays) – Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa la wareegay Xarumaha ay Telefiishannada Horyaal Iyo Eryal ku leeyihiin Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, Salaasada Maanta.

Maamulka labada Telefiishan ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Boolisku la wareegeen Xarumahooda Hargeysa Saaka.

Illaa hadda lama oga ujeeddada rasmiga ah ee Xukuumaddu tallaabadan u qaaday, laakiin Mulkiileyaasha Telefiishannadaasi oo Xilli dambe oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu eedeeyay ‘Dad isku dir’

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa si gaar gaar ah u cambaareeyay Tallaabada Xukuumaddu kula wareegtay Xarumaha labada Telefiishan, waxayna ku baaqeen in Ciidanka laga qaado Xarumaha Telefiishannada si ay shaqadoodii Warbaahineed ee ay Bulshada u hayeen u sii wataan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa isaguna Cambaareeyay Tallaabada Xukuumaddu qaadday, waxayna ku tilmaantay Cabudhin.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: