Somaliland: Dad Shaqooyin Looga Eryey Inay Qabaan Cudurka Aids-ka Awgeed

Hargeysa  (Dhamays) – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee lagu qabtay Munaasibad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee ‘Xakamaynta Cudurka Aydhiska’ kaasi oo sannad walba la qabto 1-da bisha 12-aad.

Xuska Maalinta Aids-ka oo uu soo qaban-qaabiyey Komiishanka la dagaalanka Cudurka Aids-ka ee Somaliland ee Magaciisa loo soo gaabiyo (SOLNEC), ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, Guddoomiyaha Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO, Guddiga xuquuqal iinsaaka Qaranka, Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal iyo Xubno ka socday Ururrada Caafimaadka, Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Caafimaadka Dadweynaha iyo Madaxda Komiishanka SOLNEC.

Munaasibaddan oo ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Dadka la nool cudurka Aids-ka ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Agaasimaha Waaxda Daryeelka iyo Daaweynta ee Komiishanka SOLNAC, Mr. Maxamed Abiib waxaanu ka warramay dhibaatooyinka lagu hayo Dadka qaba Cudurka Aids-ka, waxaanu yidhi  “Waxa la gaadhay in Biyaha loo shubi waayo Dadka la nool Cudurka Aids-ka iyo in Booyadda u shubta Biyaha Qofka cudurkaa qaba la yidhaahdo maaddaama oo aad biyaha u shubtay Qof kaa reer hebel ee Cudurka qaba Annaga noo shubi maysid, Waar Xanuunka ma waxa lagu kala qaadaa in Booyad laga wada shubto Biyaha, Xanuunka ma waxa lagu kala qaadaa in Guryaha lagu wada noolaado”

Agaasime Maxamed Abiib wuxuu Dadweynaha reer Somaliland ku waaniyey inaan la takoorin Dadka Cudurkaa qaba, maaddaama oo Cudurku yahay wax Illaahay keeno, isagoo sheegay in Dad shaqooyin looga eryey inay Cudurka Aids-ka qabaan “Dadka Maanta Somaliland ugu diciifsan, waa Dadka shaqooyinka looga eryey inay Cudurkaa qabaan awgeed..”ayuu yidhi.

Xuskan oo ay ka hadleen Guddoomiyaha Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland Dr. Axmed Cabdi Bakaal, Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarrada Somaliland ee SONYO Cabdicasiis Siciid iyo Xubno ka mid ah Dhakhaatiirta Komiishanka SOLNEC kala taliya la dagaalanka Cudurka Aids-ka, ayaa isaguna waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf waxaanu sheegay in waxyaabaha keenaya in la Takooro Dadka qaba Cudurka Aids-ka ay ka mid tahay Dadka oo aan aqoon fiican u lahayn siyaabaha loo kala qaado Cudurka Aids-ka “Aqoon-darradu waata ugu weyn ee ay ka yimaaddaan in la takoorro Dadka qaba Cudurka Aids-ka, Aqoon-darradaasi waxay innaga haysaa sida loo qaado Xanuunkaasi.” Ayuu yidhi, Wasiirka Caafimaadku.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Komiishanka Qaranka ee SOLNEC Mr. Naasir Ayjeex isla-markaana soo gebogabeeyay Munaasibaddaasi “Xuska Maalinta Aids-ku maaha dabbaal-deg iyo ku digasho Dadka Xanuunka qaba, balse waxaynu uga jeednaa in Bulshada Caalamka la xasuusiyo jiritaanka Cudurka iyo dhibaatada uu ku hayo bani-aadamka guud ahaan, gaar ahaana Dadka la nool cudurka..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Xusku waa in Dadka la nool Xanuunka loo muujiyo Walaalnimo iyo in la garab taagan yahay oo aan la iloobin..”

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: