“Si Doorashada Loo Qabto, Madaxweynuhu Waa Inuu Talo Keenaa Ama Talada Dadka Qaato.” Sh. Aadan-Siiro

Hargeysa (Dhamays) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay muranka ku saabsan doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka qaarkood.

Sheekh Aadan oo khudbadda sidoo kale kaga hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo ay ka mid tahay in ilaalinta nabadgalyada meel looga soo wada jeedsado, ayaa Sheekhu ka warramay in waxyaabaha Dadka Mulsimka ahi ku jabaan ay ka mid tahay khilaafka iyo in la fulin waayo heshiisyada la wada galo, isagoo Tusaale u soo qaatay Dagaalkii Uxud ee lagu jebiyey Saxaabadii Nebiga (CSW), ka dib markii Saxaabo uu difaac ahaan meel u dhigay ka baxeen difaaca, isla-markaana ay ka faa’idaysteen Ciidammadii Gaalada ee Dagaalka kula jiray, waxaanu yidhi “Dadkeena ayaan la hadlayaa, Waar Murankaa Xisbiyada ka dhex jira, waxa la aloosanayaa in Dadka la qaybiyo, waxaanu leenahay idinkaa Magacyo ku leh oo wax ku ah, illaa Madaxweynaha ayaanu u sheegaynaa. Madaxweynaha waajib gaar ah ayaa saaran, Waayo? Dalkan ayaa loo dhiibay, Islaanta indhaha la’ isagaa ka masuulka ah, ka Agoonka ah isagaa ka Masuul ah, kuwa Xisbiyada isagaa ka masuul ah, Somaliland oo dhan isagaa ka masuul ah, markaa Waajib saddex jibbaaran ayaa saaran, dul-qaad baa laga doonayaa, gogol kasta oo heshiis ah inuu Hantida Ummadda ku bixiyo ayaa laga doonayaa.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Xisbiyada Mucaaradka ah waxaanu leenahay waar fursad haka dhiganina Khilaafka, haddaad tidhaahdo meel aan rabay Roob igu eri dhibaatadeeda ayay leedahay, waar ka daaya khilaafka aan waddada lahayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dadka Caqliga iyo Cilmiga leh waxaan leeyahay Dalkan inagaa leh, Saddexna Xisbi malaha, qaar baa u haysta inay iyagu is haystaan, adeer Madaxaaga ayaa la isku haystaa, laakiin waa in aynaan ogolaan, ama Xukuumadda ama Xisbiyada ha noqoto, waxaanu ka soo horjeednaa oo aanu diiddanahay Nin Qori qaata. Xukuumadda Dadka saxaya ayaan ka mid ahay, Dadka leh way khaldan tahay ayaan ka mid ahay, Dadka toosinaya ayaan ka mid ahay, Dadka leh waar Dadka u Caddaalad-fala ayaan ka mid ahay, Dadka leh Dadka waxooga u qaybiya ayaan ka mid ahay, laakiin Ninka Qori waataa garan maayo meesha uu u socdo, Waayo? Gaaladii bilaa Caqliga ahayd ayaa Qorigii iska daayey markay isdhameeyeen. Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Khilaafka joojiya, Waar Xisbiyada u dhibriya, Madaxweynaha labaa laga doonayaa, keen talo lagu kala nabadgalo ama Talada Ummadda qaado.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay siday muhiimka u tahay in Doorashada la qabto “In 15 sanadood uu Nin u xaadiro 2 kun oo Dollar Mushahar ah (Golaha Wakiillada) iyadoo ay kuwii Jaamacadaha ka soo baxay ee bartay waxa Dadka lagu kala saarayey ay Magaalada badhtankeeda ku bakhtiyayaan, markaa in doorashada la qabtaa waa daruuri, Waayo? waynu ku kala badbaadaynaa, markaa si doorashada loo qabto Madaxweynuhu waa inuu Talo keenaa ama Talada Dadka qaato..”ayuu yidhi

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: