Shirkii Tol wanaaje oo Furmay iyo Indhaha Xukuumada oo Taagan +Siyaasiyiinta Beesha Garxajis Xukuumada Biixi kaga jira oo Dul Hoganaaya Dhirta ku Dhaw Goobta Shirka

Hargaysa (Dhamays):Deegaanka Gacan libaax waxa Saaka ka furmay Shir loogu Magac Daray Tol wanaaje oo ay iskugu yimaadeen Waxgaradka Beesha Garxajis oo ka mida beelaha Dega Somaliland Deegaanadeeda.

Shidkana oo mudo Murankiisu ka Taagnaa Gudaha Beeshaasi ayaa ugu Dambeyntii ka furmay saaka Deegaanka Gacan libaax ee Gobalka saaxil

Shirkana ayaa waxa dhegta loo taagayaa Go,aamada ka soo baxa iyo Dooda lagu soo Qaadidoono Mudada uu Socdo.

Geesta kale Xukuumada Somaliland ayaa Indhaha Ku Haysa Shirkaasi iyadoo dhawr jeerna Xukuumadu isku Deyda inay Joojiso Qabsoomida Shirkaasi waxaanay Xidhay Cuqaal Shirkaasi Diyaarintiisa Ku jirtay.

Geesta kale Siyaasiyiinta Beesha Garxajis kaga Jira Golaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Dul Hoganaaya Deegaanada Ku Xeeran Deegaanka Gacan libaax Xubnaha Ku jira Golaha Wasiirada xukuumada Somaliland, Ayaa Dul Jiifa Dhirta Ku dhaw Deegaanka Gacan libaax iyagoo Ku Dhuumanaaya Dhirta waaweyn Ee Ku Xeeran Goobta Shirku Ka Socdo wasiirada Wasaaradaha Deegaanka ,Maaliyada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka mida Masuuliyiinta Dhuumaalaysiga ugu jira Deegaanka Shirka Dhirta Ku Xeeran .

 

Mustafe Axmed Herer

Dhamaysnews.com

Hargaysa/Somaliland

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: