Shirkadd Caymiska ee Takaful oo Xafiis cusub ka furatay Magaalada Booram

Shirkadd Caymiska ee Takaful oo Xafiis cusub ka furatay Magaalada Boora

Boorama(Dhamay)-Shirkadda Caymiska ee Takaful ayaa xafiis cusub ka furatay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, halkaasoo ay shirkaddu ku balaadhinayso adeegyada ay bixiso.
Shirkaddan oo ah Shirkadda qudha ee bixisa adeegyada Caymiska, Ganacsiga, Caafimaadka, Gaadiidka, socdaalka, Guryaha iyo wixii la hal maala, ee ka jirta wadamada Geeska Afrika, sida Somaliland, Soomaaliya, Kenya iyo wadamada kale ee Gobolka, ayaa xaruntan cusub ee ay ka furtay Boorama waxay kamid noqon doontaa Xafiisyada ay ku leedahay Somaliland ee lagu bixiyo adeegyadeeda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Shirkadda oo ka hadlay munaasibada lagu daah-furay xafiiska cusub.
Waxa kale oo ay maamuleyaasha Shirkaddu xafladaas ka sheegeen inay macaamiishooda u fidin doonaan adeegyo daah-furnaan iyo debecsanaani ku dheehan tahay, kuwaasoo ay fulinayaan howl-wadeeno u carbisan raaligelinta iyo horumarinta Bulshadu.
Masuuliyiinta Shirkaddu waxa ay intaa ku dareen in adeegyada Shirkadda lagu balaadhin doono deegaamada kale ee dalka iyo gobolka, yoolkooduna uu yahay inay mustaqbalka ka haqab-tiraan bulshada adeegyada Caymiska oo muhiim u ah Bulshada Somaliland iyo shucuubta mandaqada ku dhaqan, isla markaana ah adeeg caalamka oo dhan ka jira.
Waxa ay sheegeen in adeegyada Shirkaddu ay yihiin kuwo caalamka la jaan-qaadaya, kuna salaysan Shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka.
Halkan ka Daawo:

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: