Shirkada Telesom Oo Dib Uhabayn Iyo Qurxin Ku Samaysay Xarunta Golaha Wakiilada Jsl Iyo Danaha ku Lamaan!

Hargeysa (Dhamays)-Hoolka iyo Dhismaha xarunta golaha Wakiilada Somaliland ayaa lagu sameeyay dib uhabayn iyo Qalabayn kaasi oo ay fulisay Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom Oo hada dhamaaday shaqadii ay ka waday.

Sidoo kale shirkada telesom ayaa qalabaysay hoolka fadhiyada Ee xildhibaanada golaha wakiilada kaasi oo lagu xidhay xataa Camaradaha CCTV iyadoo ay ku baxday dhaqaale badani Islamarkaana la dhigay kuraasi qaaliya
Hadaba inaga oo og in golaha wakiilada leeyahay miisaaniyad faro badan oo ku filan hawlaha uu goluhu ubaahan yahay ayaa in ilaa hada la ogoyn sobobta ay shirkada telesom ugu samaysay dib uhabayn iyo danaha qorsoon ee ayb ka leedahay shirkadu inga oo og hirdanka ganacsi ee ka dhexeeya shirkadaha waawayn ee ganacsatada Somaliland gaar ahaan kuwa ka shaqeeya isgaadhsiinta iyo baananka ganacsi.
Sidoo kale majiro war kasoo baxay dhinaca shir gudoonka golaha wakiilada oo iyagu telesom ka dalbaday in ay xarunta golaha wakiilada ku samayso dib u habayn iyo qalabayntan.

Dhanka kale xogaha laga helayo dib uhabaynta ay shirkada Telesom ku samaysay xarunta golaha wakiilada ayaa sheegaya In ay ka leedahay ujeedooyin badan oo la xidhiidha sidii ay Xildhibaanada golaha wakiilada iyo shir gudoonku u ilaalin Lahaayeen danaheega ganacsi islamarkaana ay uga dan leedahay Sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd golaha cusub ee wakiilada Somaliland, iyadoo uga danle qalabaynta ay ku samaysay golaha Iyo qalabka ay ku xidhay oo xogaha qaar tibaaxeen in hoolka Shirarka ku xidhatay qalab ay si sahlan u ogaanayso Waxyaabaha golaha ka socday macluumaadka fadhiyadooda.

Maaha markii ugu horaysay ee shirkada telesom dib uhabayn Ku samayso xarun dawladood iyadoo qasriga madaxtooyada Somaliland sidan oo kale dib uhabayn ugu samaysay shirkadu Bilowgii xukuumadii axmed siilaanyo markii ay talada kala wareegtay xukuumadii daahir riyaale taasi oo wakhtigaasi Dhalisay dareeno kala duwan oo bulshada ku abuuray shaki in Madaxtooyadii dalka looga ariminayay ay shirkad gaar loo leeyahay pravite ahi Gacanta ku qabato ismarkaana aan la ogaan Karin waxyaabo Qarsoon in ay ku dhex xidhato kuwaasi oo halis ku ah amniga iyo Xogta qaranka oo u gacan gali karta cid aan ahayn masuuliyiintii Loo igmaday.

Bulshada reer Somaliland ee ku kulanta baraha bulshada ayaa Dareeno kala duwan ka bixiyay dib u habaynta ay shirkada Telesom ku samaysay xarunta golaha wakiilada iyo midabka ay Marisay hoolka golaha wakiilada oo dadka qaar ku tilmaameen In ay u eegaysiisay midabkii calanka xisbiga wadani ee uu kazoo Jeedo gudoomiyaha golaha wakiiladu Cabdirasaaq Khaliif.

Open chat
soo dhawoow walaal